Shirkadda Twitter oo Si Kamadambeys ah u Hikisay Akoonka Ololaha Trump

0
Saturday January 09, 2021 - 20:42:47 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Twitter oo Si Kamadambeys ah u Hikisay Akoonka Ololaha Trump

    Shirkadda Twitter ayaa sababo laxariira ku xadgudubka xeerarka shirkadda uhakisay akoonkii ololaha doorashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kadib markii mareegta ololaha Trump lasoo galiyay sawirka astaanta shirkadda, oo uu lagu dahaaray, cala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Twitter ayaa sababo laxariira ku xadgudubka xeerarka shirkadda uhakisay akoonkii ololaha doorashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kadib markii mareegta ololaha Trump lasoo galiyay sawirka astaanta shirkadda, oo uu lagu dahaaray, calanka shuuciyadda. Mar sii horreysay, shirkadda ayaa xirtay akoonka gaarka ah ee madaxweyne Trump, waana markii ugu horreysay ee ay shirkadu mamnuucdo koontada madaxweyne waddan. Koontada Trump ayaa lahayd in ka badan 88 milyan oo qof oo raacsan, xayiraadda waxay ka dhigantahay aamusinta trump maalmahiisa ugu danbeeyay ee ka hor dhammaadka xilligiisa. Talaabadan ayaa timid kadib sanado badan oo muran uu ka taagnaa sida shirkadaha baraha bulshada ay u maareeyaan akoonada hogaamiyaasha aduunka ee awooda badan. Trump ayaa si isdaba joog ah u isticmaalyay Twitter-ka si uu u cadeeyo in guuldaradiisiii ​​doorashadii 3-dii Nofeembar ay sabab u tahay musuqmaasuq baahsan, isaga oo taageerayaashiisa ku booriyay inay yimaadaan Washington Arbacadii hore soona buuxdhafiyaan aqalka Congress-ka ee Capitol Hill si ay uga mudaaharaadaan natiijada doorashada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip