Ciiidamada Danab Oo Burburiyay Fariisimo Al-shabaab Ay Ku Lahayeen Gobalka Shabeelada Hoose

0
Saturday January 09, 2021 - 20:30:22 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciiidamada Danab Oo Burburiyay Fariisimo Al-shabaab Ay Ku Lahayeen Gobalka Shabeelada Hoose

    Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan howl-gallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab ay ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-galladaan ay ciidamada Danab Sameeyeena ayaa ka dhacay agagaarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan howl-gallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab ay ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-galladaan ay ciidamada Danab Sameeyeena ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Tooratoorow, waxaana lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare) oo ah taliyaha ururka 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku burburiyeen gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa, kaas oo uu tilmaamay in lagu dhibaateyn rabay shacabka. Sidoo kale Gaashaanle Beer-yare ayaa intaasi ku sii daray Hadalkiisa in ay nolosha ku soo qabteen saddex ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaasi, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab. Sikastaba Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip