FAROOLE oo hal arrin uga digay maamulada la safan DF

0
Saturday January 09, 2021 - 20:29:37 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAROOLE oo hal arrin uga digay maamulada la safan DF

    Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda weli ka taagan doorashooyinka dalka. Faroole ayaa ugu horreyn she

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda weli ka taagan doorashooyinka dalka. Faroole ayaa ugu horreyn sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in doorashada aysan xilligeeda kadib marin, si looga baaqsado qalalaase hor leh oo yimaada. Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale kula taliyey madaxda Koonfur Galbeed iyo HirShabelle in aysan noqon kuwa loo taliyo, balse ay qaadaan waddada saxda ah, si loo bad-baadiyo dalka, la'iskuna soo dhoweeyo dhinacyada isku haya doorashooyinka. "Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxaan ku waaninayaa in aysan noqon dad loo taliyo," ayuu yiri Mr. Faroole. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu uga digayo Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle in dowladda dhexe ay u boobaan kuraasta xildhibaanada baarlamaanka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli is mari-waa ka taagan yahay doorashooyinka dalka ee 2021-ka oo ay isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, musharraxiinta mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip