Gaadiid farabadan oo ku xayiran wadada xiriirisa Afgooye & Baydhabo

0
Saturday January 09, 2021 - 20:28:29 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid farabadan oo ku xayiran wadada xiriirisa Afgooye & Baydhabo

    Waxaa Maalintii Saddexaad Gaadiid farabadan oo nooca xamuulka qaadi ah oo ku dhow lixdan ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii wadada lagu gubay lix gaari oo xamuul ah. Maleeshiyaad hubeysan ayaa w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalintii Saddexaad Gaadiid farabadan oo nooca xamuulka qaadi ah oo ku dhow lixdan ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii wadada lagu gubay lix gaari oo xamuul ah. Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka ay wadada u galeen, isla markaana dab ay ku qabad siiyeen meel u dhow xerada Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ee Balli-doogle, xilli ay kusii jeedeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay. Qaar kamid ah darawalada Gaadiidka oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in in Gaadiidkooda ay Canshuurtii lagu lahaa siiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka koonfur Galbeed, isla markaana ay la'yihiin in si amni ah ay ku maraan wadada xiriirisa Muqdisho & Baydhabo. Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Koonfur Galbeed inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaalada amni darro ee kajirta wadada, hadii kale ay Shaqa joojin ku sameyn doonaan. Wadada u dhaxeysa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelha Hoose & Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro, waxaana walaac ka muujiyay Darawalada Gaadiidka iyo dadka ku safra.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip