Madaxweyne Trump" Waxaan ku howlnahay xil wareejin sharci ah"

0
Friday January 08, 2021 - 19:59:35 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump" Waxaan ku howlnahay xil wareejin sharci ah"

    Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa soo saaray muuqaal cusub oo uu ku muujinayo sida uu sheegay caradiisa ku aaddan qalalaasihii Arbacadii oo ay dad careysan weerar ku qaadeen dhismaha Capitol ee magaalada Washington. Isagoo u hadlaya si ka duwan m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa soo saaray muuqaal cusub oo uu ku muujinayo sida uu sheegay caradiisa ku aaddan qalalaasihii Arbacadii oo ay dad careysan weerar ku qaadeen dhismaha Capitol ee magaalada Washington. Isagoo u hadlaya si ka duwan maalmihii hore, ayaa wuxuu sheegay in dibadbaxayaasha ay meel uga dhaceen dimuqraadiyadda Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale muuqaalka ku sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga ku saleysan. Wuxuu madaxweynaha sheegay in maamulka cusub la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo, wuxuuna ku baaqay isu uur-fayoobi iyo dib u heeshiisiin. Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah madaxwyenaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in xilka laga xayiubiyo Trump ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol, kaasi oo ay fuliyeen taageerayaasha careysan ee Trump.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip