AMISOM oo saraakiil Boolis ah usoo xirtay tababar

0
Friday January 08, 2021 - 19:54:42 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo saraakiil Boolis ah usoo xirtay tababar

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay shalayto soo gaba-gabeeyeen tababar muddo afar maalmood ah ugu socday Magaalada Muqdisho 160 saraakiil Boolis ah oo ka tirsan AMISOM. AMISOM ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska ah ee ka s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay shalayto soo gaba-gabeeyeen tababar muddo afar maalmood ah ugu socday Magaalada Muqdisho 160 saraakiil Boolis ah oo ka tirsan AMISOM. AMISOM ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska ah ee ka socda dalka Uganda ay joogi doonaan Soomaaliya muddo hal Sano ah, iyagoo gacan ka geysan doona ilaalinta sharciga, kala dambeynta iyo sugidda nabad gelyada dalka. Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM Augustine Kailie , ayaa sheegay in saraakiishani ay sii fulin doonaan tababarro ,howlaha kormeerka iyo la talinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Augustine Kailie, ayaa saraakiisha uu tababarku u dhammaaday u sheegay in ay Soomaaliya ujoogaan howlo nabad ilaalin ah, wuxuuna kula dardaarmay inay dhowraan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada martida loo yahay. Saraakiishan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gacan ka geystaan howlaha sugidda ammaanka xilliga doorashada madaxtinimo oo dhowaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip