Puntland iyo Galmudug oo shir ku saabsan Ammaanka ku yeeshay Gaalkacyo

0
Friday January 08, 2021 - 19:14:23 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Galmudug oo shir ku saabsan Ammaanka ku yeeshay Gaalkacyo

    Waxaa maantay magaalada Gaalkacyo ku qabsoomay shirkii 3-aad ee Iskaashiga Amniga, kaasoo ay shir guddoominayeen wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed C/raxmaan Dhabancad, ayna ka soo qeybgaleen wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maantay magaalada Gaalkacyo ku qabsoomay shirkii 3-aad ee Iskaashiga Amniga, kaasoo ay shir guddoominayeen wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed C/raxmaan Dhabancad, ayna ka soo qeybgaleen wasiirro, guddoomiyaasha gobolka Mudug iyo guddoomiyaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ka soo qeybgaley taliyaasha hey'adaha amniga Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo. Shirka waxaa lagu dhageystay warbixinno dhanka amniga ah iyo heerka ay marayso iskaashiga iyo wada-shaqaynta hey'adaha amniga labada maamul ee Puntland iyo Galmudugn iyo sidoo kale dadaalada lagula dagaalamayo Al Shabaab. Saraakiisha sare ee hey'adaha amniga gobolka Mudug iyo kuwa degmada Gaalkacyo waxay soo bandhigeen horumarka iyo waxqabadka wadajirka ah ee ay ku tallaabsadeen hey'adaha amnigo oo iskaashanaya, iyo burburinta shabakado argagixiso oo ka hawlgali jirey magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaasha gobolka Mudug ee labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa dhankooda ka warbixiyey horumarka dhanka dhaqaalaha, arrimaha isdhexgalka bulshada iyo la shaqaynta hey'adaha amniga heer gobol iyo heer degmo. Wasiirada Amniga Galmudug iyo wasiirka Arriimha Gudaha Puntland ayaa gabagabdii shirka bogaadiyey iskaashiga iyo wada-shaqaynta maamuladda iyo hey'adaha amniga labada dawladood ee Puntland iyo Galmudug, waxayna dardaaran ku bixiyeen in la sii xoojiyo wadashaqaynta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip