Askar ka tirsan Ciidanka booliska oo lagu dilay dagaal ka dhacay Matabaan

0
Friday January 08, 2021 - 19:07:45 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ka tirsan Ciidanka booliska oo lagu dilay dagaal ka dhacay Matabaan

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay halkaasi ku dagaallamay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan. Malleyshiyaadka ayaa isbaaro dhigtay degaanka Dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay halkaasi ku dagaallamay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan. Malleyshiyaadka ayaa isbaaro dhigtay degaanka Dhisaqa, waxaana weerarka ku qaaday Ciidanka booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad. Ciidanka Ammaanka ayaa dagaal kula wareegay degaanka ay Maleeshiyadka Isbaarada dhigtay, waxaana howlgalkii lagu qabsanayay ku dhintay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka booliska gaarka ah. Maleeshiyaadka hubeysan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dilal ku saleysan anooyin qabiil ka geystay degaanka, waxaana ay sidoo kale lacag baad ah ka qaadaayeen gaadiidka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip