Puntland oo ku dhawaaqday go'aano la xiriira diidmada lacagta Shillin Soomaaliga

0
Thursday January 07, 2021 - 19:26:51 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ku dhawaaqday go'aano la xiriira diidmada lacagta Shillin Soomaaliga

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa Maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa qaadashada ama isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga oo laga diiday degaano ka tirsan Maamulka Puntland. Kulanka ayaa wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa Maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa qaadashada ama isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga oo laga diiday degaano ka tirsan Maamulka Puntland. Kulanka ayaa waxaa uu dhex-maray mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Taliska Booliska Gobolka Bari & Ganacsatada Magaalada Boosaaso, waxaana laga soo saaray go'aano Ganacsatada & sariflayaasha loogu baaqayay inay xoojiyaan socod-siinta lacagta Shillinka Soomaaliga. Qaar kamid ah Ganacsatada & Bulshada Boosaaso oo Shirka goobjoog ka ahaa ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu dadaalo in shirkadaha Waaweyn ay qeyb ka noqdaan kuwa bilaabaya isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga. Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumadiisa inay gutaan waajibaadkooda ah in amar lagu bixiyo in la qaato lacagta Shillinka Soomaaliga. Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay wajib tahay qaadashada lacagta Shilinka soomaaliga, waxaana uu sheegay in dadka diidan ay Maxkamad la kori doonaan. Magaalooyin ka tirsan Dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray in la diido lacagta Shillin Soomaaliga, waxaana fashilmay amaro dhowr ah oo ay Xukuumadda Puntland kasoo saartay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip