Taliska Ciidanka Asluubta oo war kasoo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho

0
Thursday January 07, 2021 - 19:20:28 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Asluubta oo war kasoo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho

    Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir. Afhayee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxaasi lala beegsaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan, balse uu ka badbaaday. Qaraxa waxaa ku dhintay sida uu sheegay Afhayeenka labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qof Shacab ah. Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaraxaas ay ku dhaawacmeen Afar Askari iyo Shacab. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in uu si dirqi ah qaraxa uu uga badbaaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip