Ra'iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Musharixii labaad

0
Thursday January 07, 2021 - 19:18:52 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Musharixii labaad

    Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo sii wada kulammada uu la yeelanayo siyaasiniinta dalka, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed. Kulanka ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo sii wada kulammada uu la yeelanayo siyaasiniinta dalka, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed. Kulanka ayaa labada Mas'uul waaxaa ay uga wada hadleen xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha. "Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay siyaasiga Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo sidii dalka horumarkiisa wadajir loogu sii amba qaadi lahaa, waxaana is dhaafsanay tallooyin wax dhisaya, xafiiskeyguna waa furan yahay cid walba oo tabasho qabta". Eng. Rooble ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho ku dhacda waqtigeeda, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay wax walba tabasho ah in wada xaajood lagu dhammeeyo. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in nabadgelyada dalku ay tahay masuuliyad guud oo wada saaran siyaasi iyo shacab, loona baahan yahay in la wada ilaaliyo. Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra'iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu la kulmo Musharixiinta Madaxweynaha ee tabashada ka qaba arrimaha doorashooyinka si xal loo gaaro.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip