Uganda oo kala baxeysa qaar kamid ah Ciidamada ka jooga Soomaaliya

0
Wednesday January 06, 2021 - 21:21:12 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda oo kala baxeysa qaar kamid ah Ciidamada ka jooga Soomaaliya

    Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in dowadiisa ay Somaaliya kala baxeeyso CIidamo sigaar ah u tababaran, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM. Madaxweyne Musaveni ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka qeyb qaadan doonaan howlaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in dowadiisa ay Somaaliya kala baxeeyso CIidamo sigaar ah u tababaran, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM. Madaxweyne Musaveni ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka qeyb qaadan doonaan howlaha sugida Amniga doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalkaasi Uganda 14-ka Bishaan si looga feejignaado falal amni darr oo dhaca. Ciidmada ayuu sheegay inay sigaar ah u ilaalin doonaan Amniga Guud ee Caasimadda daka Uganda ee Kambala, isla markaana ainay Soomaaliya Ciidamada kala baxaan ay ku qasabtay sababo la xiriira dhanka Amniga. "Xubnaha Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, "ayuu yiri Museveni. Cabsida la xiriira dhinaca amniga ee dalka Uganda ayaa timid wixii ka dambeeyay markii uu dhacay dhawaan iska horimaadyo maalmo socday oo u dhaxeeyay taageerayaasha mucaaradka, kadib markii Boolisku xireen Musharax Madaxweyne ahna Muusikiistaha Caanka ah ee lagu Magacaabo Robert Kyagulanyi. Dowladda Uganda ayaa ah dowladda ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ku howlgalla Magaca AMISOM, iyaga oo Ciidamada dowladda ka taageeraya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip