Madaxda dalalka Khaliijka oo Heshiis cusub gaaray

0
Wednesday January 06, 2021 - 21:18:56 in Wararka by
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda dalalka Khaliijka oo Heshiis cusub gaaray

    Magaalada Al-cula ee dalka Sacuudiga waxaa ku shiray madaxda waddamada Khaliijka, waxaana markii ugu horreysay muddo 3 sanno ah kaddib kasoo qayb galay Amiirka Qatar Tamiim bin Xamad. Shirka waxaa kasoo baxay dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen wadam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Al-cula ee dalka Sacuudiga waxaa ku shiray madaxda waddamada Khaliijka, waxaana markii ugu horreysay muddo 3 sanno ah kaddib kasoo qayb galay Amiirka Qatar Tamiim bin Xamad. Shirka waxaa kasoo baxay dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen wadamada Khaliijka kuwaas oo soo afjaray khilaafaadkii dhexdooda ka jiray seddexdii sano ee lasoo dhaafay. Dowladahaan ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin: 1- Xoojinta iyo iskaashiga military ee ka dhaxeeya waddamada Khaliijka Carabta si loo ilaaliyo amniga waddamadaan iyo gobalka. 2- Ilaalinta ujeedooyinka sare ee u dhigan golaha iskaashiga waddamada khaliijka iyo sidii looga shaqayn lahaa mideynta dhaqaalaha iyo siyaasadda 3- Meel marinta aragtidii boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan bin C/casiis ee golaha waddamadaan anxixiyay 2015-kii, iyo sidii loo dhamaystiri lahaa mideynta waaxaha dhaqaalaha, difaaca iyo siyaasadda dibadda. 4- Dardargelinta Xarunta ka hortagga iyo xakamaynta cudurada iyo ka wada shaqaynta sidii looga hor tegi lahaa cudurka karoona iyo cudurada kale ee safmareenka ah. 5- Dhamaystiria mideynta suuqa dhaqaalaha ee waddamada khliijka iyo dhisidda shabakad tareen. 6- Xoojinta nidaamka hufan ee dowladnimada iyo la dagaalanka masuq maasuqa. 7- Kobcinta kaalinta waddamada khaliijka ay ku leeyihiin gobalka iyo guud ahaan caalamka. 8- Soo celinta iyo xoojinta xiriirkii walaaltinimo ee ka dhaxeeyay shacuubta waddamada khaliijka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip