Yusuuf Garaad oo wax ka qorey Taariikhda Axmed Cabdinuur

0
Wednesday January 06, 2021 - 21:17:54 in Wararka by
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yusuuf Garaad oo wax ka qorey Taariikhda Axmed Cabdinuur

    Ambassador Yusuf Garaad Cumar ayaa qormadaan uga hadlaya taariikhdii saxaafadda AUN Axmed cabdi Nuur oo kooban. Aad ayaan uga naxay ugana murugeysanahay geerida Axmed Cabdi Nuur oo ah walaal aan muddo dheer soo wada shaqeynay oo ku geeriyooday Lon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ambassador Yusuf Garaad Cumar ayaa qormadaan uga hadlaya taariikhdii saxaafadda AUN Axmed cabdi Nuur oo kooban. Aad ayaan uga naxay ugana murugeysanahay geerida Axmed Cabdi Nuur oo ah walaal aan muddo dheer soo wada shaqeynay oo ku geeriyooday London. Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka. Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood. Mar ayuu noqday weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya ka hor dagaallada. Waxay ahayd markii uu saaxiibkii Cawke oo ahaa weriyaha Madaxweynuhu uu shil baabuur galay oo gacan ka jabay. Mar kale wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Wararka iyo ka dib, Madaxa Radio Muqdisho. Wuxuu noqday weriye BBC uga soo warrama Muqdisho qaar ka mid ah xilliyadii ay ugu colaadda badnayd, ka dibna xarunta BBC Bush House iyo Broadcasting House ee London ayuu sannado badan ka shaqeeyay. Nin deggan, oo aan caaddifad aqoon ayuu ahaa, oo wararka dhacdooyinka uu tebinayo ka dhowra in dareenka iyo danihiisa shakhsiga ahi ay saameyn ku yeeshaan. Mas'uul wuxuu ahaa afgaaban se hadalka xikmadda iyo xusuusta reeba heli og. Axmed Cabdi Nuur Allah ha u naxariisto, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisa faraha bandanna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo. Ilaahow Jannada ugu bishaaree.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip