Sawirro: Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo 'laga baadi goobayo' Jowhar

0
Monday January 04, 2021 - 20:36:49 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo 'laga baadi goobayo' Jowhar

    '

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'


Sawirro: Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ‘laga baadi goobayo’ Jowhar
Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Jowhar ee caaismada maamulka HirShabelle.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo xaafadaha, iyaga oo gaaf wareegaya, islamarkaana wada baaritaano la xiriira sugida ammaanka.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay inay baadi goobayaan xubno ka tirsan kooxda Al-shabab oo falal Amni darro ah ka fulinaya caasimadda Hirshabelle.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee ka howl-gala halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Jowhar oo ka mid ah magaalooyinka loo asateeyey doorashooyinka ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo & dilal qorsheysan.

 



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip