Weerar Dhiig Badan Ku Daatay oo Ka Dhacay Dalka Nayjar.

0
Monday January 04, 2021 - 20:21:01 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Dhiig Badan Ku Daatay oo Ka Dhacay Dalka Nayjar.

    NIAMEY:-Masuuliyiinta dalka Nayjar ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in kooxo la rumaysanyahay in ay yihiin mintidiin islaamiyiin ah ay boqol qof ku dileen dalkaas. Kooxdan oo aad u hubaysnayd ayaa la sheegay in ay rasaas ku asqeeyeen rag iyo carru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

NIAMEY:-Masuuliyiinta dalka Nayjar ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in kooxo la rumaysanyahay in ay yihiin mintidiin islaamiyiin ah ay boqol qof ku dileen dalkaas. Kooxdan oo aad u hubaysnayd ayaa la sheegay in ay rasaas ku asqeeyeen rag iyo carruur ku sugnaa tuulooyinka Tchoma Bangou iyo Zaroumadareye ee koofur galbeed dalkaas. Kooxda ayaa la sheegay in ay isu qeybiyeen laba kooxood markii ay fulinayeen weerarka mar qudhana ay rasaasta bilaabeen. Sida u uku warramay guddoomiyaha deegaanka uu weerarkani kadhacay marka laga soo tago dilka boqolka qof waxaa iyana jira dad dhaawac ah oo tiradoodu gaadheyso 75 qof kuwaa oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo isbitallada dalka. Weerarkan ayaa ah kii ah kii ugu dhimashada badnaa kuna data dhiiggii ugu badnaa ee dalkaas ka dhaca. Weerarka dadkan rayidka ah lagu laayay ayaa yimi todobaad kaddib doorashadii madaxtinnimo ee dalkaas ka dhacday. Ra'iisul wasaraaha dalkaas Brigi Rafini oo booqday deegaanka ay mashaqadani ka dhacday ayaa sheegay in boqol qof ay weerarkaasi ku nafwaayeen walow uusan sheegin cidda ka dambeysay weerarkaas. Mudane Rafini ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan dadkii falkan geystay isaga oo wacad ku maray in ay caddaaladda hor keeni doonaan. Majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas hase yeeshee weerar dhawaan ka dhacay deegaanka Tillabéri waxaa sheegtay kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka ee Saxaraha Weyn oo ku abtirsata ururka Alqaacida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip