C/Raxmaan C/Shakuur Oo Ka soo Horjeeystay Go'aankii Dowladda ee baarista Shidaalka.

0
Monday January 04, 2021 - 20:10:19 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan C/Shakuur Oo Ka soo Horjeeystay Go'aankii Dowladda ee baarista Shidaalka.

    Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kasoo horjeeystay Go'aankii kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu joojiyay in hubka lala galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, marka laga reebo Madaxda dowladda. C/rax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kasoo horjeeystay Go'aankii kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu joojiyay in hubka lala galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, marka laga reebo Madaxda dowladda. C/raxmaan C/Shakuur oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in go'aankaas lagu joojiyay in hubka lala galo Garoonka Aadan Cadde uu yahay mid lagu beegsanayo Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda. Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in dowladda ay damacsan tahay in arrintaas ay ku dooneyso inay ku yareyso dhaq-dhaqaaqyada safaradda Musharaxiinta Madaxweynaha, isla markaana waxaa uu cadaalad darro uu ku tilmaamay Go'aankaas kasoo baxay DFS. Isaga oo sii hadlaayay Musharax C/raxmaan ayaa waxaa uu su'aal ka keenay sababta lagu ogolaaday oo kaliya in hubka Garoonka la galaan ilaalada Madaxda Dowladda, wuxuuna sheegay in aysan aqoon waxa sababay in Dowladda aysan isugu haleen karin Garoonka oo Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale loogu amrayo in ilaalo la'aan galaan Garoonka. Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa tilmaamay in Go'aankaas ay ku ogo laan karaan oo kaliya markii Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta u tartamaya xilka ay ku kalsoonadan Ciidanka ku sugaya ammaanka Garoonka Aadan Cadde, hayeeshee taas haddi ay dhici weydo aysan ku kalsoonaan karin iyagana Ciidanka sugaya amniga Garoonka. Si kastaba Wasaaradda amniga Xukuumadda ayaa shaacisay shalay in garoonka Aadan Cadde hubka ay la geli karaan oo kaliya ilaalada Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka, halka cid kalena aysan ilaaladooda hubka la gelin karin Garoonka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip