Puntland oo 'ka hortegtay' weeraro ay damacsaneyd kooxda Daacish + Sawirro

0
Monday January 04, 2021 - 20:05:48 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo 'ka hortegtay' weeraro ay damacsaneyd kooxda Daacish + Sawirro

    Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ay labadii maalin ee la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee PSF-ta maamulkaasi ka sameeyeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ay labadii maalin ee la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee PSF-ta maamulkaasi ka sameeyeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

 

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ciidamadu ka hortegeen weeraro ay damacsaneyd in kooxda Daacish ay ka fuliso deegaanada Cal Miskaat, Timirshe, Tuurmasaale, Il, Camayra & Legunle oo ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daacish ay cabsi gelin joogto ku heyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, balse ciidamadu ay soo dhoweeyeen dadkaasi.

"Dadka degaanka iyo reer guuraaga aaggaas oo ay Daacish cabsi iyo culays ku hayaan ayaa uga mahadceliyey ciidamada PSF hawlgallada Daacish ka dhanka ah ee ay sida joogta ah uga fuliyaan aaggaas si ay dadka degaanku ugu noolaadaan xorriyad amni,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

 

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dagaalyahanada kooxda Daacish ay isku uruursanayeen deegaanada ay ciidamadu howl-galka ka sameeyeen, balse ay fashiliyeen weeraro ay damacsanayeen, kadib markii ay macluumaad ka heleen dadka deegaanka.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari, iyaga oo ka soo abaabula weerar ka dhaca deegaanada maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip