Xog: is-faham horudhac ah oo lagu gaaray kulamadii ka socda magaalada Garowe

0
Monday January 04, 2021 - 19:57:39 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: is-faham horudhac ah oo lagu gaaray kulamadii ka socda magaalada Garowe

    Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka socdeen caasimada Puntland ee Garoowe, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaal, kuwa maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka, oo ay ka dhex aloosan tahay xiisada doorashada. Madaxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka socdeen caasimada Puntland ee Garoowe, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaal, kuwa maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka, oo ay ka dhex aloosan tahay xiisada doorashada. Madaxda ayaa markii hore maagalada Garoowe u tagay ka qeyb-galka Madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage, taasi oo dhalisay in si fool ka fool ah isku hor-fadhiistaan, isla markaana ka wada-hadlaan caqabadaha ku gadaaman doorashada soo socota. Wararka ayaa sheegaya in kulamadii u dambeeyay ee Madaxda ku dhex-maray Garoowe looga gaaray is-faham la xiriir isku soo dhawaanshaha muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka, oo meelo kala fog ay kala taagnaayeen. Sidoo kale waxa kulamadaas is-faham horudhac ah laga gaaray xiisada gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaanada Somaliland ee dowladda federaalka, kuwaasi oo kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee dhinacyada kala duwan isku khilaafsanaayeen. Kulamo isdaba joog ah oo ay mas'uuliyiinta kala duwan ku qaateen Garoowe ayaa waxa loogu gogol xaadhay in dhinacyada ku muransan doorashada iyo dhamaan saamileyda siyaasadu ay iskugu yimaadaan kulamo xal looga gaarayo xiisada doorashada. Dhinaca kale, dhamaan madaxdii ka qeyb-gashay munaasibada machadka Heritage ayaa iyaguna isku raacay in heshiis laga gaaro Arrimaha doorashada ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya. Waxaa dhawaan la filayaa in madaxda dowladda federaalka, kuwa maamulada dalka iyo saamileyda siyaasada oo qeyb ka yihiin musharaxiinta mucaaridka ay kulan isugu yimaadaan, kaasi oo meesha looga saarayo muranka ka taagan doorashada Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili ay beesha caalamka ee taageerada maaliyadeed siisa dowladda federaalka Soomaaliya ay dhowr jeer ku baaqday in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashada, oo xiligan xaalad cakiran ka abuuray dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip