Midowga Musharixiinta oo ka horyimid go'aankii hubka looga mamnuucay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
Monday January 04, 2021 - 19:36:40 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharixiinta oo ka horyimid go'aankii hubka looga mamnuucay garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Midowga musharixiinta ayaa ku gacan seyray go'aankii ay dowladda Soomaaliya uga mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho hubka marka laga reebo hubka ay wattaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya. Arrintan ayeey ku t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga musharixiinta ayaa ku gacan seyray go'aankii ay dowladda Soomaaliya uga mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho hubka marka laga reebo hubka ay wattaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya. Arrintan ayeey ku tilmaameen mid qalad ah oo aan la aqbali karin in qeybna hubka loo daayo kuwa kalana laga mamnuuco, iyaga oo intaa ku darray in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka laabato go'aankaa isaga ah. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku hadlayay afka midowga musharixiinta ayaa u sheegay VOA in musharixiinta u baahan yihiin xuquuqda la mid ah tan madaxweyne Farmaajo maadaama uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya. ''Dadkii tartanka uu naga dhaxeeya oo uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo loo ogolaado in uu hubkiisa la galo garoonka annaga naloo diido, taasi waa nasiib darro iyo cadaalad darro' ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wasaarrada Amniga ayaa maalintii shalay soo saartay go'aankan hubka looga mamnuucday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo taa u sababeysay sugida amniga garoonka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip