HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO TALAADO AH 29-DEC-2020

0
Tuesday December 29, 2020 - 10:06:41 in Wararka by
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO TALAADO AH 29-DEC-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xukuumadda Soomaaliya oo Ballanqaa dday Qabashada Doorasho Hufan.

      Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumadda So omaaliya ay u taagantahay xal u helidda cabsida musharraxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan arrimaha doorashooyin ka dalka.

R/wasaaraha oo la hadlayay war baahinta ayaa sheegay in xukuu maddu ka go’antahay qabasha da doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada kal soonaan karo.

     "Albaabada Xafiiskeygu weey u furanyihiin cid walba oo danaynaysa arrimaha doorashooyinka waxaana diyaar u nahay in aan ka jawaabno taba shadooda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

    Md.Rooble ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is dejiyaan kuna kalsoonaadaan howlaha ay waddo xukuumadda. Hadalka R/was aaraha ayaa yimi ka dib saacado uu wadahadallo uu Muqdisho kula yeeshay danjirayaasha ka so cda beesha caalamka, labada dhinac ayaana ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin nabadgelya da iyo arrimaha doorashooyinka.

    Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacaan doorashooyinka labada aqal ee baarla manka iyo madaxweynaha, taas oo sida ku cad ja dwalka doorashada billaabanaysa Arbacada soo socota.

Ingiriiska Oo Taageero Cusub U Balan Qaaday Maamulka Gobolka Banaadir

     Gudddomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Caasi madda Mudan Cumar Maxamuud Maxamed (Cu mar finish) ayaa Shalay kulan La qaatay Safiirka Dowladda ingiriiska u qaabilsan Soomalia Ben Fender.

     Kulanka u dhexeeyay Gud doomiye Cumar Finish iyo Saf iir Ben Fender ayaa waxaa lo oga hadlay  arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin horumarada ka socda Caasimadda dalka ee Muqdisho, xoojinta wadashaqeynta Ingiriiska iyo Maamulka  iyo taagerada qebta Unuga xalinta khi laafadka Xasilinta iyo nabadenta.

     Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay taageerayaan Maamulka Gobolka, isla markaa na muhiimad ah ay siinayaan Mashruucan naba deenta Bulshada kunool Magaalada Muqdisho.

      Dowlada ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Ba naadir ayaa si wada jir ah uga shaqeeyn doono fu linta mashruucaan si loo helo xal waara, waxaana Safiirka uu balan qaaday in Maamulka uu dhinac yo kala duwan ka taageeri doono.

Lix Su’aalood oo Ku Socda Murrashax Daahir Maxamuud Geelle

     Run soo raagtay:  Daahir Maxamuud Geelle markii lagu dhoweeyay Garoowe wuxuu qabtay shir jaraa’id. Lixda su’aalood soo socda waxay ku saabsan yihiin qodobbadii uu Daahir dul istaagay intii uu shirka jaraa’id socday:

1- Mudane waxaad xustay in loo baahan yahay run. Dowladda hadda jirta Wasiir baad u soo no qotay; dowladdii ka horreysay Safiir baad u aha yd. Waa maxay runta hadda aad keligaa ku baraa rugtay? Miyaysan dadka Soomaalieed garan kar in marka siyaasi been u sheego iyaga?2- Waxaad ku doodday in odaynimadu ka soo   bil laabato Madaxtooyada (Villa Somalia). Sidee Madaxweyne uu Maamul Federaal ka dalbanayo inuu ciidanka qaranka ka soo saaro Gedo talad iisu u shaqeyn kartaa?

3- Waxaad ku celcelisay "Annaga”. Waa kuwee "Annaga”? Soomaaliya ma la ha xisbiyo. Maxaa kuu diiday in aad tiraahdo "Ani ga” oo waxa aad u taagan tah ay sheegto? Maka fekertay fa rriinta siyaas adeed oo silloon ay "Annaga” direyso xilligan?

4- Sidee u aragtaa in Maamul Federaaleedyadu heshiis la saxiixdaan dowlado iyo shirkado shishe eye? Ma sharci baa heshiisyada kaabayaasha qa ranka Soomaaliyeed loogu wareejiyay shirkado shisheeye ah oo dowlado shisheeye leeyihiin?

5- Maxay dowlad ay soo dhisaan hoggaamiyeyaal la soo tijaabiyay kaga duwanaan kartaa dowladda hadda xilka haysa?

6- Miyay habboonayd in maamulkii Madaxweyne Shariif iyo maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh ay raadiyaan lacagaha Soomaaliya kaga xannib an bangiyada shisheeye, Soomaaliya oo aan lah ayn dowlad dalka oo dhan ka wada talisa?

Hooyo Uur Laheyd Oo Kufsi Iyo Dil Loogu Geystay Galgaduud

    Wararka aan ka heleyno duleedka M/ Caabu dwaaq ee G/Galgaduud ayaa waxaa ay sheegay aan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu gow racay Hooyo uur laheyd oo Habeen hore la waayay.

     Meydka Hooyada ayaa waxaa laga helay deeg aan ku yaalla duleedka Ca abudaaw, isla markaa na waxaa halkaas ku ar kay dad xoolo dhaqto ah oo kusoo wargeliyay Ehela da Hooyada oo la’aa, baadi goobna ugu jiray.

     Marxuumada oo lagu magacaabi jiray Ubax Maxamed Yaxye ayaa laheyd Uur saddex bilood ah, waxaana la sheegay in baaritaan lagu same eyay kadib la ogaaday in inta aan la dilay kahor la kufsaday Hooyada.

     Xubno ka tirsan qoyska Marxuumada oo la ha dlay warbaahinta ayaa u sheegay in dilka kahor la gula kacay fal kufsi ah, isla markaana lagu same eyay baaritaano, sidaasina lagu xaqiijiyay la kufsi iyo dil la isugu daray.

     Ciidanka amniga Maamulka Galmudug ayaa wada baaritaano oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkaas Argagaxa lahaa, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dadkaas fal kaas ay baxsadeen, wallow ay socdaan howlgalo.

FAAHFAAHINO DHEERD AH:-

Ciidamada Booliska Cabudwaaq oo qabtay nin lagu tuhunsan yahay in uu dil iyo kufsi geystey

    Baadi goob badan ka dib ayaa warar soo baxaya aya sheegayaan in Ciidamada Booliska ee dagmada Caabud waaq ee G/ Galgadu ud ay qabteen  nin lo oga shakisan yahay in uu fal Kufsi iyo dil ka gaystay M/Caabud-Waaq.

     Ninkan la qabtay oo magaciisa la gu sheegay Jaamac Maxamed Yuu suf ayaa loo haystaa dil ka Allaha u naxariistee Ubax Maxamed Macalin Yaxye oo Habeen hore lagu dil ay duleedka D/Caabudw aaq.  Meydka gabadhan oo lahayd uur 3 bil ah ayaa laga soo helay duleedka M/Cabudwaaq.

    Taliyaha saldhigga Booliiska Caabudwaaq Dha mme Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in ay ruuxa ay gacanta kusoo dhigeen ay ku tuhunsan yihiin in ka dambeeyay dilka Ubax Maxamed Yax ye, isla markaana baaritaan ay ku sameyn donan.    Falalka kufsiga iyo dilka lagula kacayo haween ka ayaa ku soo badanaya deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo hore falal kufsi iyo dil is ugu jira ay uga dhaceen magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Burco,Gaalkacyo iyo qaar kale.

Beesha Caalamka Oo Mar Kale Oo Fariin U Dirtay DF Iyo M/Goboleedyada

     Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay arrimaha doorashada da lka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/21, xlili weli muran xoogan uu ka taagan doorashada.

     Beesha Caalamka ayaa Ma daxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedya da ugu baaqay inay fuliy aan heshiiskii 17-kii Sebtem ber laga gaaray doorasha da, laguna qabto waqtigii loogu tala-galay.

    Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in laga wada-hadalo khilaafy ada jira, si loo gaaro heshiis ballaaran oo hirgelin kara in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhan yahay.

    "Saaxiibbadu waxa ay sidoo kale ku celiyeen baaqoodii ahaa in la wadahadlo si loo hubiyo is-af garad ballaaran oo laga gaaro hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember ee sanadkan” ayaa lagu yiri Qor aal uu soo saaray xafiiska QM ee Soomaaliya.

Baaqaan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iya doo weli muran xoog leh uu ka taagan yahay doo rashada dalka gaar ahaan Guddiyada la magaca abay oo kasoo horjeedan Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Goorta lasoo gaba-gabeynayo dhismaha jidka Muqdisho & Afgooye oo la shaaciyey

      Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Habeen hore kormeer ku tegay dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gob ollada Banaadir & Sh/Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheeg ay in haatan uu gaba-gabo uu marayo dhismaha ji kaasi, islamarkaana la soo gaba-gabeyn doono muddo labo toddobaad gudahood ah.

    Cumar Filish ayaa ugu baaqay dadka shacab ka ah inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.Sidoo kale dhismaha waddan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey shacabka, iyadoo laa mi gana loo dhisay laba qeybood oo ay isku dha afi karaan gawaarida.

      Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaa dir oo hadalkiisa sii watay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muq disho iyo Jowhar oo uu haatan ka muuqdo burbur aad u xoogan.Si kastaba DFS ayaa haatan da daal badan ku bixineysa dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo muddo fog burburs anaa.

R/Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo Shalay gaaray Garowe

   R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Ma xamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminaayay ay aa goor dhow gaaray magaalada Garowe.

     Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhawe eyay, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mah idi Guuleed iyo wafdigi isa. Mahdi Guleed ayaa Garoowe uga qeyb gala ya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo Soomaaliya, waxaana shirkaas ka baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo lagu casuumay.

      Waxaa sidoo kale Garoowe gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedya da iyo masuuliyiin kale oo badan.

      Waxaa la filayaa inay gaaraan magaalada Ga rowe saacadaha soo socda wufuud kale oo qeyb galaya shirka oo looga hadli doono Xasilinta Da lka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qaba shada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nid aam Federaal oo shaqeynaya.

Yuusuf Dabageed " ma dooneyno inaan Abu ukar Xuud ku dilno saad wax u taban kartaa"

      Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirsha beelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa she egay inay Janaraal Abuukar Xuud uu ka baxay balamo ay wada galeen.

    Yuusuf Dabageed ayaa she egay in wali aay diyaar u yahiin maamulka Hirshabeelle iney ka qanciyaan tabashada uu qabo Janaraal Xuud isaga iyo beeshiisa iyo cid walba oo tabasho qabta sida uu hadalka u dhigay.

"Anaga ma dooneyno inaan Abuukar Xuud me esha uu dagan yahay ku weerarno ama aan ku dil no tabasho ayaad naga qabta mana ku dileyno ee wali waxaan diyaar u nahay inaan si nabad ah uga qancino tabashadiisa Abuukar Xuud isago ba aburkisa wata oo Calan sharci darro ugu xiran ya hay ayuu Baladka soo galay wasiirka ayaana guri giisa ku marti qaaday waxwalbo aay ku balame ena wuu ka baxay " ayuu yiri madaxweyne ku xi geenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed

    Md.Dabgeed ayaa sidoo kale iska fogeeyay wa rar sheegayay inuu lahaa amarka lagu xiray dad shacab ah oo maalintii sadaxaad xabsiga ku jira waxuuna sheegay in dadkaasi ay soo xireen Sar aakiisha amniga Baledweyne loona soo xirxiray dambiyo la xariira qalqal galinta amaanka Baled weyne ayuu yiri "Yuusuf Dabageed"

     Waxuu sidoo kale sheegay "dadkii ku dhaaw acmay bananbaxyaashii Dorraad ee rasaasta lagu furay iney masuuliyeeda qaadanayaan dadkii soo abaabulay banaanbaxaasi iyada oo aan laamaha amniga laga heysan wax ogolaasho ah " ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

     Ugu dambeyn hadalka madaxweyne ku xigeen ka Hirshabeelle ayaa imaanaya xili 7 qof oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaano Baledw eyne oo labadii maalin ee u dambeysay ku xirnaa Saldhiga Booliiska Baledweyne Shalay loo gudb iyay Xabsiga dhexe ee Baledweyne kuwaas oo la gu eedeyay qalqal galinta amaanka Baledweyne waxaana ka mid dadkaasi afhayeenka Golaha Sa mata Bixinta Hiiraan Cabdiraxmaan Xuubeey.

Todobada qof ee Xabsiga dhexe Shalay loo gud biyay ayaa lagu kala magacabaa:-

1.Cali Daahir Xerow {2}. Dhagaweyne Astaani{3}. CabdiraxmaanXuubey{4}.Barre Caraboow, {5}.Xasan Cabdiraxmaan {6}.Camaloow Cali Gee ddi &{7}.Cabdi Dhafe isaaq

  Ugu dambeyntii bulshada ku dhaqan Baledwey ne ayaa walaac xoogan ka muujinaya xariga iyo caburinta lagu haayo shacabka reer Baledweyne.

Madaxweynaha Galmudug Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Axmed Karaash

     Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmud ug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan M/Garoowe ee Xarunta G/Nugaal ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ax med Cilmi Ismaan Karaash.

    Kulanka u dhexeeyay Ma daxweyne Qoorqoor iyo Ax med Karaash ayaa waxaa loo ga hadlay xaaladihii ugu dam beeyay ee Puntland iyo Galmudug iyo sidii loo ho rumarin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa lab ada maamul. 2da Mas’uul ayaa ka hadlay xaalad da siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doora shada dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/ 2021 iyo sidii Galmudug iyo Puntland uga qeyb qaadan lahaayeen Doorashada oo weli muran xo ogan uu ka taagan yahay.

     Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa Dorraad gaaray M/Garoowe, isla markaana waxaa halkaas uga qeyb galayaa Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo Somaliya.

    Sidoo kale inta uu halkaas ku sugan yahay Qo orqoor ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda qaarkood ee ka qeyb galaya Shirkaas oo looga hadli doono Arrimo kala duwan, wxuuu na furmi doonaa sida uu qorshahu yahay Talaad ada

Faah faahin kasoo baxeysa dil ka dhacay Muqdisho

    Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Shalay wa xaa ay agagaarka Buundooyinka ee D/Waaberi ee G/Banaadir ay ku dileen Saddex dhalinyaro ah oo la sheegay inay kamid ahaayeen Ciidamada Nabadsugida qeybta dharcadka ee loo yaqaano ilaalada Shacabka.

     Rag dilka fuliyay oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay wat een gaari nooca raaxad ah,isla markaana ay go obta ka baxsadeen, waxaana la sheegay in Ciid amo ka tirsan kuwa dowladda ay halkaasi tageen, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydadka ragga la dilay.

  Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay, hayeeshee aan weli la sheegin dad ay u qa bteen dilkaasi ka dhacay agagaarka Bundooyi nka ee degmada waaberi.

     Laammaha ammaanka Soomaaliya iyo Maam ulka degmada Waaberi weli kama hadlin dilkaas, waxaana degmada Waaberi bilihii la soo dhaafay ay kamid aheyd meelaha ugu amniga wanaagsan Muqdisho, isla markaana ay ka yaraadeen dilalkii ka dhici jiray.

Dagaal culus oo ka dhacay G/Gedo iyo warar kii ugu dambeeyey

    Dagaal culus oo ka dhacay G/ Gedo iyo warar kii ugu dambeeyey Wararka naga soo gaarayo G/ Gedo ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Dagaalk u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

     Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus kusoo qaaday saldhig ay ciid amada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Ceelw aaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya & ku wa Jubbaland.

    Dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen 2da dhinac ayaa si weyn looga maqlayey qeybo kamid ah Gobolka Gedo sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

     Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo kha saaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama inta badan Saldhigyada Ciidamada aan loo dhawaan Karin.

    Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya intii uu dagaalka socday ay rid een tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay dul eedka degmada Ceelwaq, kuwaas oo aan gey san wax khasaaro ah.

     Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan go bolka Gedo kama hadlin dagaalka ka dhacay deg mada Ceelwaaq, waxaana lagu soo waramayaa in Shalay Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wad aan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

    Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kaga bogan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Garowe

     Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaala da Garowe ee caasimadda Puntland.

      Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha Ju bbaland oo ka soo kicitimay magaalada Kism aayo. Waxaa maalinta berri ka furmaya Garowe shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ay soo qa ban qaabisay Machadka Heritage.

     Shirkan oo sanadle ah oo horay loogu qaban jiray dalka Jabuuti aya sanadkan lagu qabanaya M/Garowe, iyadoo uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalku galay xilli kala guur ah.

      Wafuud ka kala socota D/G/yada, Xukuum adda, Midowga Musharaxiinta mucaaradka, qeyb aha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb gala ya shirkan.

Gaari dad rakaab ah ay saarnaayeen oo miino kula qaraxday gobolka Jubbada Hoose

     Wararka ka imanaya G/Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shan ruux ay geeriyoodeen kadib ga ari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose.

 Dadka dhintey ayaa waxaa ka mid aha hooyo iyo ilmo ay dhashay oo labo bil jir ahaa,gaariga ayaa la sheegay inuu ka tegey magaalada Kism aayo kuna sii jeeday deegaanka Dhoobley.

    Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbada Hoose iyadoo waxyeelada ka dhalata miinooyinka ay tahay mid joogta ku ah dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip