HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 23-DEC-2020

0
Wednesday December 23, 2020 - 10:33:12 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 23-DEC-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ururrada Bulshada Rayidka oo bilaabay dhex-dhexaadinta Dowladda & Musharixiinta

    Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya oo uu ka mid yahay ayaa la kulmay xub no ka socda ururada bulshada rayidka ah oo uu hog aaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

     Kulanka aya waxaa ay uga wada hadleen caqa badaha weli ku hor gudban doorashada 2020 – 2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa.

     Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharixiinta ka co dsadeen in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan ca qabadaha arimaha doorashooyinka ee taagan,.

     Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in  Midowga Musharixiinta ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayi dka. Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahli il Shaatax ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqa baha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee gu ddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda feder aalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020 – 2021.

Md.Xasan Sheekh: "Xiisadda Gobolka Gedo Ceeb ayey ku tahay Farmaajo”

       Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka qayb-galay Doodsan Forum ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gob olka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland, taasi oo la xiriiriyay siyaasad xumo arrimaha gudaha ee dalka.

     Xasan Sheekh ayaa sheegay in xiisadaasi aysan wax eed ah ku laheyn madaxda Jubbaland, hase yeeshee lagu qasbay inay Kenya megan-galaan, ka dib markii ay meesha ka baxday wax uu ugu yeeray "inay meesha ka baxday Isku haynta iyo isku-isku-wadka dalka.

    "Annagu markii aan lah ayn Axmed Madoobe waa madaxweyne, dadka reer Jubbaland quluubtoo da ay aan ka shaqeyney nay si aysan u cararin oo aysan Kenya uga soo jeesan, waa ka keeneynay, Jubba land dhismaheeda iyada oo xaafadda Karin la yir aahdo ee Nairobi looga hadlo oo shirkeedu ka socdo ayaan anigu imid xafiiksa September-2012, mada xdii joogtay in aan Wada-hadalno oo ay Xam ar noo gu yimaadaan waa diideen, in aan u tagno oo aan meeshooda ku wada-hadalno waa diideen, wa xa aan weydiinay waxa ay rabaan, waxay doorteen in aan dibadda ku wada-hadalno, sidaas ayaan kals oonida ku soo dhisnay si tartiib ah” ayuu yiri.

    Waxa uu eedeynta u weyn ee xiisada gobolka Gedo dusha u saaray siyaasad xumada arrimaha gudaha ee dowladda Farmaajo, maa dama uu sheegay inay ku fashilmeen hirgelinta xasilooni siyaasadeed oo uu wadanku gaaro.

     Sidoo kale waxa isku xir u same yey caqabadaha ka dhalan kara taabba-gelinta hannaanka dhismaya ee Federaalka Soomaaliya, Qaabka ay u socoto siy aasadda arri maha gudaha ee Dalka iyo sababaha horseeda in fa ra-gelinta teeda xun ay ku dhacdo Waddanka, taasi oo uu tusaale u soo qaatay in saraakiishii hoggaa mineysay ciidanka xoogga dalka ee galay dagaalkii 1977 dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya ay u car areen Itoobiya, kaddib markii ay xumaatay siyaasad da arrimaha guduhu iyada oo taasina horseedday 30 sano oo colaad ah.

       Waxa uu muujiyey heerka uu gaaray xiriirka iyo wadas-haqeynta dowladda dhexe iyo maamulka Jub baland oo uu sheegay in madaxweyne Axmed Mad oobe uu kamid ahaa Madasha hoggaanka Qaranka (National Leadership Forum) isla markaana labadii bilba mar soo booqan jiray caasimadda, sidaasna waxa ka sinnaa dhammaan madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Waddanka.

     "Nin kasta oo Soomaali ah oo carara oo xudduud da ka gudba oo cid kale oo dibadda ah megangala ama kaalmo iyo xoog ha u doonta!, qof kale oo Soo maali ah ayuu ka cararayey isakama caashaqin iska mana jeclaan! Malyanka qof ee Qaxootiga u tegey Kenya daxiis uma aadan Kenya, Soomaali kale dowlad ha ahaado ama si kale ha u xoog badnaaee eryaya ayaa xuduudda ka gudbiyey”,

      Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhammaan Dowl ad-goboleedyada aysan jirin dowlad-goboleed aan ay tabasho ka taagneyn dhexdeeda, shaqada mada xda dalka ayuu ku tilmaamay xallinta tabashadaas, iyaga oo adeegsanaya sida ugu suura-galsan oo aan ahayn xoog oo ku sheegay in uusan xal u ahayn arrinta gobolka.

     "Qof Soomaali ah Dorraad waa raacdeyn kartaa! Laakiin berri isaga oo intii ka caro iyo xanaaq badan ayuu kuu imaanayaa oo weliba ay u badan tahay isa ga oo shisheeye wata, arrinta Gedo Wadahadal in la gu dhammeeyo oo Wada-hadal laga galo ayaan qa baa, waa gobol katirsan Jubbaland” ayuu yiri

     Waxa uu intaas kusii daray "Dowladda federal-ku inay dhahdo Jubbaland kama tirsana oo annaga ay aa ka talineynaa suuragal ma aha!, Sababta Maam ulka Jubbland doorashada ka dheceysa Garbaha areey aanay u maamuli Karin oo DG Galmuudg u maamuli karto midda ka dheceyso Galkacyo, oo DG KGS u maamuli karto midda ka dheceysa Baraawe yaa ii sheegi kara sharciga ay arrintaasi dugsan tahay”.

     "Dowladdu waxa ay dumineysaa Dowlad-gobol eed jira o dhisan, waxa ayna ku xumeyneysaan cil aaqaadkeena dibadda, dowladdu dib ha uga fiirsato madaxweynaha si gaar ah ayay u sii taabaneysaa, ceeb ayayna ku sii tahay isaga”.

     Xiisada ka taagan gobolka Gedo ayaa qeyb ka ah arrimaha waaweyn ee la rumeysan yahay inay ka dhaqaaqi laayihiin hanaanka doorashooyinka ee hore loogu heshiiyey magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kale taagan tahay arrinta guddiyada doora shada ee lagu muransan-yahay.

Madaxweyne Geelle oo sheegay in uu yahay Musharax

   Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inuu ka qayb geli doono dooarshada madaxtinnio ee dalkaasi ka dhacaysa bisha April ee 2021.

      Madaxweyne Geella ayaa markii ugu horreysay xilka loo doortay 9-kii April 1999-kii, wa xaana uu kursi ga ku fadhiyaa in ka ba dan 20 sano.

    Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu ahaa Madaxweynaha dalka Jab uuti, waxaana uu guuleystay dhowr doorasho oo sha cabku codeeyeen.  Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay ugu eedeeyeen Madaxweynaha dalka Jabuuti in uu ku shubtay doorashada dalka Jabuuti.

Maxay tahay shuruudda ay Soomaaliya ku xirtay inay la heshiiso Kenya?                                     

  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa sharraxaad ka bixiyay wixii ay kala soo kulmeen shirkii IGAD, isagoo sheegay in laga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

   Hoogaamiyeyaasha urur gobol eedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti Isniintii ku yeeshay kulamo gooni gooni ah oo ay arrimo badan ku falanqeey een.Shir jaraa’id oo uu wasiirka Arrim aha Dibadda ee xukuumadda R/Wasaare Roo ble ku qabtay M/Muqdisho ayuu warfidiyeenka ugu shee gay in madaxdii urur goboleedka ee IGAD ay Soo maaliya ku cadaadiyeen in ay oggolaato soo afjar idda khilaafka kala dhaxeeya Kenya, oo waliba lagu dhammeeyo IGAD gudaheeda.

      "Dowladda Soomaaliya aad iyo aad ayey ugu di yaar garowday shirkan, waxayna diyaar u ahayd in eedeymaha ay usoo jeedisay Kenya ay kusoo ban dhigto, kagana hadasho shirkaas. Hase yeeshee, madaxdii IGAD ee halkaas joogtay waxay aad cad aadis noogu saareen in arrinkan uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, tallaabada ugu horreysana ay tahay in xaaladda la dajiyo,” ayuu yidhi.

    Laakiin wuxuu wasiirka sheegay in dhankooda ay shuruud ku xireen aqbalidda dalabka ku aaddan in xiisadda la dajiyo. "Soomaaliya way oggolaaday dib u dajinta xiisadda, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in guddi loo saaro arrimaha ay Soomaaliya ka tab aneysay. Arrimahaas qaarkood waan idinkala hadli karnaa qaarna waan ka gaabsan doonnaa – maad aama ay howshaasi wali socota – tan ugu culus ugu na degdegta badan waxay ahayd mid ku saabsan jabhadda lagu soo abaabulay Kenya, sida aan anna gu qabno, oo xuduudda dhinaceeda kale ku abaabu lan, taasoo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro.”

      "Arrimaha kale ee ay Soomaaliya tabaneyso waa waxyaabo lagu xallin karo hadba sida ay u kala weyn yihii, nidaam diblomaasiyadeedna loo mari doono.” Ilaa hadda ma jiraan warar xaqiijinaya in "ja bhad laga abaabulay Kenya” ay ku sugan tahay xad ka u dhow Soomaaliya, dowladda Kenyana ma aysan qirin arrintaas.

       Waxaa la filayaa in shir kale oo ay isgu imaada an dalalka IGAD laga sameeyo isku dayo la xiriira soo afjaridda xiisadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi. Soomaaliya ayaa 15-kii bishan December ku dhawaaqday inay xiriirkii diblamaasiyadeed gabi ahaanba u jartay Kenya ka dib markii ay cirka isku shareertay xiisadda labada dal ee dariska ah u dha xeeyso oo muddo dheer soo taagnayd.

    Khilaafka labada waddan ee soo jiitamayay wux uu ugu horreyn kasoo billowday muran dhanka bad da ah oo u dhaxeeya labada dal islamarkana ay imi nka kiiskiisa gacanta ku hayso maxkamadda caal amiga ah ee Caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ .

     Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Xigasho:BBCSomali


Madaxweyne Qoor Qoor:” Waa in loo midoo bo la dagaalanka Al-Shabaab”

     Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlayay dadweyanaha Galmudug ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan ka hortaga fikirka xagjirka una midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

    Waxaa kaloo uu sheeay in hada la taaganyahay dhammaadka waqtigo oda, hayeeshee ay muhiim tahay in siw adajir ah loola dagaalamo.

"in la cadeeyo timaalamaha xagjiriri inta argagixisada waxaan ka rabnaa culimadda inay xoojiyaan maada ama ay kooxahaan ka been sheegayaan diinteyna subaan oo ay ku baneysteen dilka dadka rayidka ayuu yiri madaxwey ne qoor qoor.

     Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ca bdi kaariye Qoor qoor waxa uu bulshada ugu baa qay inay umidoobaan la daagalanka argagxisada si looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan guud ahaan dalka.

"     Waa inay bulshada umidoobaan la dagaalanka argagixisada si aan uga adkaanno cadawga baneys tay dhibaateynta dadka shacabka ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne qoor qoor. Hadalkaan ayuu madaxweyne qoor qoor ka sheegay munaadabada calmo  saarka duqa degmada Galkacyo isagoo ka falcelinayay weerarkii lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee 18-kii bishaan ka dhacay magaalada Galkacyo.

Guddi Ka Tirsan Golaha Shacabka Barlamaan ka Oo Su’aalo Weydiiyay Wasiirro

     Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee G/Sh/B/FS ayaa kulan la qaatay Wasiirada Maaliya dda iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa in Gudd ia La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ay su’aalo kala duwan weydiiyaan Wasiir Cabdiraxmaan Duca ale Beyle iyo Maxamuud Macallin Yaxye.

     Guddiyada ayaa Wasiir Beyle wax ka weydiiyay odorka Miisaaniyadda 2021-ka iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda, wuxuuna tilmaamay in si habsi ah ku socdaan shaqooyinka Wasaaradda. Sidoo kale Guddiga Maa liyadda, Miisaaniyadda, Qorshayntaiyo iyo La-xisaab tanka Hay’adaha Dowladda ayaa Wasiir ku-xigeen ka W/Diinta iyo Awqaafta wax ka weydiiyay arrimo ku aadan Xajka.

      Kulanka waxaa shir guddoominaayey Ku-simaha G/G/Maaliyadda JFS, ahna guddoomiye ku-xigeen ka Guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan, isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiyada.

Soomaali ku geriyootay doon ku degtay xeebaha Giriiga

     Qof.haween ah ayaa baddu liqday laba kalena waa laga soo badbaadiyay jasiiradda Lesbos ee Giri iga jimcihii, kadib markii ay ka dhaceen dooni ay saa rnaay een  dadkaasi oo muhaajiriin ahaa. Warbaahin ta ayaa shaa cisay in Doontaasi ay saarnaa yeen 24 ruux oo isugu jira Rag iyo dumar Soomaali ah, isla markaana Doonta oo lagaa lahaa dalka tur kiga ay dalkaasi kasoo qaaday.      Mareegka internet-ka ee infomigrants.net oo soo xiganeysay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Giriiga ayaa waxaa ay sheegtay in lagu raad joogo muqali siintii dadka tahriibinayay iyo naaquudayaashii doonta.

    Dhowr saacadood markii ay raadinayeen, dooma ha roonda da iyo diyaarad helikobtar ah ayaa helay laba haween ah oo ku jira biyaha iyo maydka mid 3aad, sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Ciida mada  ilaaliyaha xeebaha e dowladda Giriiga.

    Muhaajiriinta qaarkood ayaa sheegay  inay ka yim aadeen Soomaaliya kana soo talaabeen xeebta u dhow Turkiga, waxana weli jira baadi-goob lagu ha ayo dad kale oo doonta saarnaa basle maqan.

     Jasiiradda Giriigga ee Lesbos waa mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay degaan muhaajiriinta ku sugan xadka koonfur-bari ee qaarada Yurub, Hay ’adda qaxootiga ee Q/Midoobay ee UNHCR ayaa muujisay walaaca ay ka qabo dhac dadaan.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo u gacan galay DFSoomaaliya.

     Ciidammada XDS ayaa saacadihii la soo dhaafay Howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab ka fuliyey dega ano iyo tuulooyin ka tirsan G/Baay ee D/G/K/ Galb eed.      Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeyb ta 60Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Maxa med Sheekh Cabdullahi Ciirow waxaana laga fuliyey degaanada kala ah Eel- Dhuun Adeegow, Toos wine, Kurteela iyo Deegaano kale oo ku dhow Dega anka Goof Gaduud Buurey Ee Gobalka Bay.

     Saraakiisha howlgalka hoggaa mineysay ayaa waxaa ay sheege en in CXD ay Howlgalka kusoo qabteen saraakiil iyo Xubno kale oo tirsan Al-Shab aab. Taliyaha Qeybta 60Aad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ay aa sheegay in Howlgalka lagu soo qa btay Saraakiil ay ka mid yihiin Sarkaalkii sirdoonka Al-Shabaab ee G/ Baay iyo Sarkaalkii Maaliyada Al-Shabaab ee gobolka Baay

   Jan.Maxamed Sheekh Cabdullahi waxa uu she egay in magacyada Saraakiisha kale ee howlgalka lagu soo qabtay ay dib shacabka Soomaaliya ugu soo bandhigi doonaan  CDFS ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wa deen degaano iyo degmooyin ka tirsa Gobolada Sha bee llaha hoose iyo bay, iyada oo saraakiisha Ciid ama da ay sheegeen in howlgallada looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

C/qaadir Siidii oo ka hadlay dagaalkii Magaalada Marka

     Md.C/dir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka G/ Sh/Hoose ayaa ka hadl ay dagaal xoo gan oo Habeen hore ka dhacay M/Marka. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Na bad Suggida, ka dib markii la sheegay in Nabad Suggida ka carootay nin ay hal habeen ka hor Ciidanka Xoogga Dalka ku xireen magaaladaasi.

Gudoomiyaha Maamulka G/Sh/Hoose ayaa dhacda daasi ku tilmaamay mid fool xun, isagoo intaa ku daray inaanay ahayn mid ugub ku ah magaalada.

     "Dhacdadii Habeen hore Marka ka dhacday arrin fool xun ayay ahayd, wax laga naxana way ahayd, waa dhac do runtii aan ugub ahayn. Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan ayaa isku dhacay, waa Ciidamada Militariga iyo Nabad Suggida.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.   Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in 2da ciidan la kala dhexgalay, xaaladda magaala dana ay Dorraad tahay mid degan.Gudoomiyaha ay aa tilmaamay laba askari ku dhimatay dagaalkaasi, 3kalana ay ku dhaawacantay, iyadoo askarta dhimatay lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista ee CID, halka kuwa dhaawaca ahna iminka lagu dabiibayo Magaalada Muqdisho.

     C/dir Siidii ayaa sidoo kale qiray in ay jiraan tiro rayid ahi oo ku dhaawacmay dagaalkaasi, inkastoo uu ka gaabsaday tiradooda rasmiga ah.Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in illaa lix qof oo rayid ah ay ku dhaawacantay dagaa lkaasi, ka dib markii qaarkood ay rasaasta ugu tagtay guryahooda.

     Sidoo kale waxaa ay wararku sheegayan in tirada askarta ku dhimatay dagaalkaasi, ay ka badan tahay inta uu sheegaya Gudoomiye Siidii.

     Dhanka kale Siidii ayaa sheegay in Taliye-yaasha Ciidamada lagu amray in ay baaritaan ku sameeyan ciddii ka masuulka ahayd dagaalka ka dhacay mag aaladaasi, si dib dambe aanay askartu ugu wada dagaalamin halkaasi. Iska horimaadyada u dhaxee ya CDS ayaa ku soo noqoqday M/ Marka, tiiyoo aad arki karta sida ay u saameynayso dadka deegaanka.

Qiimaha Tikidhada Duulimaadyada Dalka Gud ihi isa oo laga Cabsi qabo inuu sare u kaco

     Warar xog ogaal ah oo laga soo xigtay shirka daha duulimaadyada Soomaaliya ee ka howlgala dalka gudihiisa ayaa waxay sheegayaan in shirka dihii laga soo kireysan jiray diyaaradaha ka shaqe eya dalka Soomaaliya gudihiisa ee fadhigooda ya hay Kenya ay go’aansadeen inay kordhiyaan sicirka qiimaha looga soo kiraysan jiray diyaaradaha.

    Wararka ayaa sheegaya qiima kordhintu ay bil aaban doonto horraanta san adka cusub ee 2021, haddii ay arrintan dhacdana ay saam ayn baaxad wayn ku yeelan doonto isku socodka duulim aanyada ee dalka gudihiisa, taasoo loo sababeyn ayo dhaqaala xumadii ka dhalatay cudurka Coronavirus oo aanay dadka rakaabka ahi aysan awoodin qiimo kordhin cusub.

    Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jiraan Gan acsato qaar doonaya inay faa’iidaystaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosantay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo qorsheeyay inay ka sameeyaan faa’iido deg deg ah.

      Khubarada arrimaha duulimaadyada diyaarada ha isaga goosha dalka Soomaaliya gudihiisa ayaa ka digaya qiima kordhinta cusub, iyagoo sheegay, in ay sababayso in diyaarado badan ay suuqa ka ba xaan, dadkuna ay u bedelan doonaan inay baabuur isaga gooshaan isku socodka dalka gudihiisa, inkastoo sababo ammaan ay jirto.

     Qiimaha hadda ee duulimaadyada dalka gudihiisa la isaga goosho ayaa ah $120 doolar inta badan gobolada dalka, iyadoo halka ugu fogna qiim uhu yahay sida Garoowe $160, Doolow iyo Dhoob layna uu gaarayo $150 ilaa $160 doolar.

Waxaa hadda dalka Soomaaliya gudihiisa duulim aadyo ka sameeya maalin kasta ugu yaraan 7 diya aradood oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka soo kir aysteen dalka Kenya, kuwaasoo ruqsad ka heysta Hey’adda duulimaadyada Soomaaliya.

       3da shirkadood ee ugu waawayn ee laga soo kiraysto diyaaradaha, ayaa kala ah Jetways, Paf, iyo Silver Stone, kuwaasoo iyagana ruqsad ka haysta Soomaaliya.Xaaladdan ayaa waxa ay ku soo bee gantay xilli ay dalka soomaaliya ka jirto Dhaqaalo xu mi ka dhalatay xanuunka Coronavirus, si gaar ahna u saamaysay ganacsiga la xiriira isku

socodka duulimaadyada dalka gudihiisa.


Amar Lagu Soo Rogay Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb

     Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Gal mudug ayaa waxaa lagu qabtay shir looga hadl aayay amniga Caasimadda, waxaana kulankaas shir guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Maa mulka Cali Daahir Ciid.

     Kulanka ayaa intii uu socday ayaa waxaa diirada lagu saaray howlaha sugida amniga Dhuusamare eb, xaaladda guud ee deegaanada Maamulka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa amniga, si looga hortego falal amni darro.

      Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amar kusoo rogay Ciidamada kala duwan ee ka hawlagala Caasimadda maamulka, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in la fuliyo amarkaas.

Cali Daahir ayaa Ciidanka ku amray in Askari dhar cad ah oo xogo sirdoon looga baahan yahay uusan gudaha Magaalada ku dhex qaadan kari qori iyo in   Ciidanka amniga aysan saameyn karin falal lagu dhibaateynayo shacabka sida in rasaas lagu rido shacabka.

     Kulanka looga hadlaayay amniga ee ka dhacay M/Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Taliy ayaasha Booliska, Nabadsugidda,  Guddoomiyaha amniga Caasimadda iyo Saraakiil kale.

Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay rasaas badan iyo qaraxyo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip