HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 22-DEC-2020

0
Tuesday December 22, 2020 - 10:32:58 in Wararka by
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 22-DEC-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka G/dhigga Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Booqday Ciidamo Ku Dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeen ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabbaas Amiin ayaa waxay booqdeen Ciidamadii ku soo dhaawacmay Weerarkii  Galkacyo , kuw aas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ee muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka soomaaliya

     Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xa san Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii Xaaladda Ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbi taalka waxa uu ka xogwareystay agaasimaha isbt ilaalka Ordogan waxaana uu masuuliyiintii booqd ay u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wana agsan loo fidiyay , iminkana Xaaladoodu tahay mid wanaagsan ,

     Intaas ka dib wasiirka wasaaradda Gaashaan dhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada isa goo u rajeeyay caafimaad Taam ah

    "Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyi hiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina , si dhaw ayaan ula socon doonnaa Xaaladiina Caafimaad , qarankiina marna idinma dayici doo no "Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soom aaliya .

     Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa tilmaamay in Dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin , ay DFS baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.

R/ Wasaare Rooble "Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada gudd oomiy aha cusub ee Gaalkacyo

      R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay caleema saarka guddoomiyaha cusub ee D/Ga alkacyo Cabdiraxmaan Sh. Xa san ayaa tallaabo horey loo qa aday ku tilmaamay in bul shada loo dhaweeyo maamulka.

     R/Wasaaraha ayaa u rajeeyey Duqa cusub ee D/Gaalkacyo Md.Cabdiraxmaan Sh.Xasan  in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.    Isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay dhiirrigali neyso in degmooyinka dalka oo dhan ay doortaan maamulkooda.Eng. Rooble ayaa ku dhiirigeliyey Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada G/Mudug in ay sii dardargeliyaan dadaalladooda ku addan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, una midoobaan la dagaallanka argagixisada iyo in ay isu kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa.

    "Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa weyna ta ageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doo rtaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtam aan. Tani  waxay tusaale u tahay daadajinta maamul ka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonay aan”.

   Golaha deegaanka D/Gaalkacyo oo dhowaan la dhisay ayaa markii ugu horreysay doortay Duqa magaalada oo ku yimid rabitaanka bulshada, ta noo qeyb ka ah barnaamijka maamul daadajinta ee shacabka loogu dhaweynayo dowladnimada.

    R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Roo ble oo socdaal shaqo ku marayay deegaannada Puntland iyo Galmudug muddo 11 casho ah ayaa soo gabagabeeyey, waxaa uuna uga mahad cel iyey soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.

Duqa Muqdisho oo la kulmay Ganacsatadii uu ka gubtay Suuqa wayn ee D. Wadajir

     Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Muq disho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo uu wehliyo Kuxigeenka Dhanka Howl aha Guud Faarax Cabdi Diini ayaa xarunta Deg mada Wadajir kulan kula qaatay Ganacsatada Suuqa weyn ee Degmada Wadajir oo qasaaro xo ogan kasoo gaaray dab xoogan habeenkii Habeen hore qabsaday suuqaasi.

     Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn ugu tacsiy eeyay Ganacsatada dhibaatada kasoo gaartay gubashada suuqaasi, isagoo la damqanaya ayaa waxa uu balan qaaday in uu is-garab taagi doono waxna la qa ban doonno Ganacsatada dhib ta soo gaartay.

Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa waxa uu xusay in dhibtii Habeen hore ku dhacday suuqa Wadajir ay noqon doonto mid wax laga bartay, isla markaana suuqa loo diyaarin doonno nidaam loogu hortagi doono in dib aysan usoo laaban dhibaatada, waxa uuna Ganacsatada ka codsad ay in Maamulka Gobolka Banaadir lagala shaqe eyo sidii nidaamkaasi loo her-gelin lahaa isla mar kaana lasoo dhiso gudi Ganacsatada ah oo Maa mulka G/Banaadir kala shaqeeya sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibta soo gaaray iyo sidii loo hergelin lahaa nidaam ka hortaga dab-danbe oo ka kaca suuqa.

Dowladda Soomaaliya Oo Shuruud Adag Ku Xirtay In Ay Wada Hadalka La Furto Kenya

     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay dalka dib u gu soo laabtay, ka dib markii uu dalka Jabuuti ka ga qeyb galay Shir-Madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboledka IGAD.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Sooma aliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa uga wa rbixiyey Warbaahinta qodobbadii kasoo baxay   Shirka ee khuseeyay dalkeenna.

     Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheeg ay in urur Goboleedka IGAD ay cadaadis saareen Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Soomaaliya si gaar ah loogu cadaadiyay in ay wada hadal arr inta ku dhammeyso, xiisaddana ay dajiso.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaali ya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay oggolaatay in arrinta wada hadal lagu dhammeeyo, balse waxaa uu sheegay inay Shuruud ku xireen oo ay dalbadeen in guddi loo saaro arrimaah ay ka dacwoonaysay Dowladda Soomaaliya ee ay la tag-tay shirka.

     Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya, waxaana jira eedeymo xooggan oo loo je ediyay Kenya, waxaana ay faragalin siyaasadeed ku sameysay arrimaha Soomaaliya, iyadoo dibl omaasiyiintii ku sugnaa dalka Kenya ay Soomaal iya u yeeratay, halka Kenya na ay la baxday Shaqaalaheeda iyo Diblomaasiyiintii kaga sugnaa Soomaaliya, kadib markii Soomaaliya ay ku amar tay in dalka ay maalmo kaga baxaan.

Diblomaasiyiintii safaaradda Somaliya ee Ken ya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

     M/Muqdisho waxaa Shalay dib ugu soo laabtay dhammaan diblomaasiy iintii Soomaaliya u joogay gudaha dalka Kenya. Garoonka diyaaradaha Aad an Cadde ayaa lagu soo dhoweeyey xubnahan oo isugu jiro diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa fadhigooda waxa uu ahaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, balse waxaa dib loogu soo celiyey dalka, iyadoo la fuli nayo  amarkii dhowaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo 7 cisho gudahood ay dalka kusoo galaan.

     Sidoo kale waxaa gabi ahaan albaabada la’ isugu soo laabay dhisamaha safaaradda Sooma aliya ee dalka Kenya, sababo ku aadan xiriirkii go’ay ee labada dal.

     Soomaaliya ayaa 15 kii bishan December xiri irkii diblomaasiyadeed u jirtay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku he yso arrimaheeda gudaha.

    Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ke nya ay kulan ku yeesheen dalka Jabuuti oo ay uga qeyb-galeen shirweynaha IGAD.

Madaxweynaha Jabuuti oo warqadaha aqoon siga ka guddoomay Danjire Salaad Cali Jeelle

     Madaxweynaha Dalka Jubuuti Md.Ismciil Cu mar Geelle ayaa Shalay warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee soomaaliya u fa dhinaya Dalkaasi,Md. Salaad Cali Jeelle.

    Guddoonka warqadaha aqoonsiga oo ka dhac day Madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa goobjoog ka ah aa diblumaasiyiin ka socota dowlada Soomaaliya iyo sar aakiil ka socotay dowlada Jabuuti.

       Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa warqadahiisa aqoonsiga gudbiyay maalin kadib markii magaal ada Jabuuti lagu soo gabagabeeyay shirweyne ay ka soo qeybgaleen madaxda xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha  Somaliland   Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Xisbiga ANC

     Madaxweynaha  Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu Shalay xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika.

     Waxaana Wafdigaasi hoggaaminayay Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

     Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehe linaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Yaasiin Maxamuud Xi ir (Faratoon), arrimaha guda ha Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulm iye, Axmed Cabdi Xuseen  (Axmed Cabdi Dhee re).


Aqalka Sare oo Kulan Ka Yeeshay Dastuurka iyo Wax Ka Bedelkiisa

     Guddoomiyha golaha aqalka sare Senator Ca bdi Xaashi Cabdillaahi oo uu wehlinayey gudd oomiye ku-xigeenka 2-aad Mowliid Guhaad ayaa Shalay shir guddoomiyey kulan ay yeesheen gu ddi joogtada golaha aqalka sare, waxaana war bixin looga dhageystay guddiyada loo xilsaaray dib u eegista dastuurka dalka.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo guddiga ha hor hadalay ayaa

ayaa yiri " Haddii laba da aqal ay ansixiyaan maxaa dhacaya Dast uurkii la heystay sida dhaqanku ahaa, waxaa uu ku egyahay bishaan December 2020 dastuur kale oo aan sii heysan ayno majiro, maxaa yeelay Baarlamaankii 9-aad qodobka 136 waxaa uu si cad u sheegayaa xiliga 1aad ee Baarlamaanka 9-aad, waxaa uu ahaa markii dowladda kumeel gaarka ah laga soo ba xay xiligiisa waan dastuurku dhammaadaa waa in 2da aqal ansixiyaan Baarlamaanku ansixiyo afti na loo qaado”.

     Senator Xuseen Sheekh xoghayaha guddiga dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa dhan kiisa yiri” Qararkii sanad ka hor aan golaha ka ho rjeedinay, waxaa in la ansixiyo badbaadadiisaa ku jirta, shaqadii afarta sano la qabtay in la badbaadi yo,meeshana lagu ilaaliyo, intii la qabtay meeshe eda lagu ilaaliyo, madhammeystirna, dib u eegista labada guddi ay sameynaayeen gaar ahaan dhan ka farsamada ayaa ugu badan guushii la gaaray”

Xoghayaha oo sii hadlaayo ayaa yirui " Waxaa ku xigtay in latashiyo badan la sameeyey oo meelo badan la gaaray dowlad goboleedyada, oo caqa bado iyada laftirkeeda ay ku jirtay, waxaa ku xiga in arrimihii wadaxaajoogdakaiyo farxasamadii inta la kala saaray wixii wadaxaajoodka u baahnaa wax uun laga blaabay”

     Dr.Maxamed Daahir Afrax guddoomiyaha gud diga madaxbannaan iyo hirgelinta dastuurka ayaa dhankiisa warbixin ka siiyey guddiga, waxaana uu sheegay in dadaal dheer ay u galeen dhameystir ka qabyo qoraalka.

     "Gurmad badbaado inaan idin kugu baaqno 2da aqalba gurmad badbaado inaad samaysaan oo maxaa ah? Gurmad badbaado oo Dastuurka looga badbaadinaayo in wixii afar iyo toban sano laga soo shaqeynayey in ay tacab khasaar noqod aan oo markii hadda baarlamaanka la yimaado Alif waxmaleh haddana laga soo bilaabo” ayuu yiri.

Al Shabaab oo qarax la eegtay Ciidamo Kenyan ah

    Ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya ayaa Qar ax lagula eegtay gudaha dalkaasi sida ay ku war amayaan Warbaahinta gudaha dalka Kenya.

    Qaraxa ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso, waxaana lala beegsaday Ciidanka oo mar aayay waddada xeebta ah ee gobolka Lamu, Cii danka ayaa ahaa kuwa illaalada xuduudaha loo yaqanno (BPU), waxaana weerar kaasi ka dambe eyay Dagaalaamayasha Al-shabaab sida ay War baahinta u sheeegen Saraakiisha Ciidanka la qarxiyay. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Saar akiishii iyo Ciidankii Bartilaameedku ahaa ay ka bad-baadeen Qaraxaasi dhulka loogu aasay, waxaana warbaahinta sida u Xaqiijiyay taliyaha Booliska gobolka xeebta ah Gabriel Musau.

       Al-shabaab ayaa weeraro iyo Qaraxyo waxa ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, waxaana laa maha ammaanka dalkaasi ay tiro dhowr jeer ah ku dhawaaqeen howlo ballaaran oo ay shabaab kula dagaalamayaan.

DF oo dacwad culus ka gudbineysa hay’adda cilmi baarista ee Sahan Reserach

     Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliya, Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu soo gaba-gabeeyey ba arista gal-dacwadeedka loo heysto hay’adda cilmi baarista ee Sahan.

     Qoraal kooban oo uu xer ilaaliyaha soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay inay soo dhameystir een macluumaadka dacwadda loo heysto hay’addaasi.

      Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariqay in kiiskan ay dhawaan u gudbin doonaan maxka madda gobolka Banaadir, si ay uga qaa do tall aabo waafaqsan sharciga.

      Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa intaasi ku sii daray in aysan marnaba u dul-qaadan doo nin in lagu xad-gudbo qaranimada iyo sharafka dalkeena Soomaaliya.

     Sahan Research oo ah hay’ad caalami ah ayaa waxaa horey dalka uga mamnuucay dowlad da dhexe ee Soomaaliya iyada oo loo soo jeedi yey eedeymo ay ka mid yihiin:-fal danbiyeedyao liddi ku ah qaranimada Soomaaliya, faragalinta siyaasadda, cuuryaaminta haylkalka dowladdni mo, faafinta siraha amniga dalka iyo eedeymo ka le oo aad u culus.

     Si kastaba waxaa hay’adan iska leh ninka lagu magacaabo, Matt Bryden oo madax ka soo noq day kooxda UN Monitoring Group ee wadamada Soomaaliya iyo Eritrea.

Mid Ka Mid Ah Musharaxiinta Mucaaradka ah oo war kasoo saaray Qodobadii kasoo Baxay shirkii IGAD

       Siyaaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Wars ame ahna hoggaamiyaha Xisibiga Wadajir  ayaa ka hadlay War-murtiyeed laga soo saaray Shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo lagu qa btay dalka Jabuuti, waxaana kasoo baxay shirka aasi Qodobbo dhowr ah.

     CC Shakuur ayaa sheegay in  uu kula talinayo Madaxweyne Farmaajo in talada waxgaradka bul shada, siyaasiyiinta iyo beesha caa lamka uu dhageysto, si meesha loo ga saaro walwalka iyo dareenka tab an ee ay shacabku ka qabaan arri maha doorashooyinka.

     Waxaana Shirka  laga soo saaray Qodobo dho wr ah oo quseeya siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, iyadoo Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka loogu baaqay in xal ka gaaran, khilaafadka ka dhexee ya.

Hoos ka aqriso Qoraalka CC Shakuur

Qodobka 14-aad ee war-murtiyeedkii ka soo ba xay shir madaxeedka IGAD ee ka hadlaya doora shooyinka Soomaaliya wuxuu adkeeyey war-sax aafadeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen beesha caalamka 15-kii December. Qodobkaas ayaa sidatan u dhigan

    "Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaal ka ah, D/Goboleedyada iyo saamileyda kale in ay xalliyaan khilaafka ka dhashay maamulka doorashada si kalsooni iyo wadar-ogol ah, iyadoo la tixgelinaya ruuxda heshiiskii iyo kii 17-kii Sept ember 2020”  Horey ayaa Golaha Midowga Mura shaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku taliyeen in Madaxweyne Farmaajo uu hannaanka maamulka doorashada dhexda soo dhigo, lagana heshiiyo is marin waaga ka taagan qodobbada la isku hayo.

     Waxaan mar kale kula talinayaa Madaxweyne Farmaajo in uu talada waxgaradka bulshada, siy aasiyiinta iyo beesha caalamka dhageysto, si me esha looga saaro walwalka iyo dareenka taban ee ay shacabku ka qabaan arrimaha doorashooy inka.

Wasiirada Caafimaadka maamul goboleedya da iyo DFS oo shir uga furmay Muqdisho

     Waxaa manta oo ah 21 December 2020 bila wday Shirka Wadatashiga Waasaaraddaha Caaf imaadka ee Maamul Gobaleedayda Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Iyo Wasaaradda Caafi maadka Soomaaliya.

     Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Wasaara daha Cafimaadka maamuladda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug iyo Hirsh abelle  Shirkan oo socon doona 21 ilaa 23 Dece mber ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Ari maha wadashaqeynta iyo mas’uuliyaadka ay kala leeyihiin Wasaaradaha Caafimaadka heer Fede ral & heer Maamul Goboleed.

     Sidoo kale waxaa lagawada niqaashi doonaa nidaamka Isku-xira  Caafinmaadka & Xog is-dha afsiga (Coordination & Communication) ee kuwa da shaqyeeyaan  Wasaaradda Caafidmaadka XFS,Wasaaradaha Caafimaadka Maamul Gobol eeydada & Hay’adaha bahwadaagta ee Soimaa liya ka caawiya  horumarinta adeega caafimaad ka dalka.

     Inta uu shirku socdo waxaa la isweydaarsan doonaa warbixino la xiriira mashriicda hada soc ota iyo kuwa bilaaban doonaa, waxaana si wad ajir ah loo diyaarinaya qorshaha hawleedka san dka  2021 iyo  halbeegaydiisa.

Xildhibaan Qarax Lagula Beegsaday M/Jowhar

     Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowh ar ee xarunta Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa ku warramaya in Xildhibaan ka tirsan Maa mulkaasi Qarax lagula beegsaday meel u dhaw hooyga uu ka daggan yahay Magaalada Jowhar.

       Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray Qaraxa, waxaana Xildhibaanka la gu Magacaabaa Maxamuud Colaad kaasi oo ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee maamuklkaasi Hir-shabeelle.

Warar ugu dambeyay waxaa ay ku warramayaan in Xil dhibaanka loola cararay Cus bitaal ku yaalla Magaalada Jo whar, halkaasi oo xaaladdiisa Caafimaad lagu dabiibayo.

     Horay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maam ulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo Qaraxyo lala beegsaday Mas ’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.


Duqa Muqdisho oo xarriga ka jaray dayactir lagu sameeyay waddo muhiim ah

     Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cu mar Finish) ayaa Shalay Xariga ka jaray Wadada Jeneraal Daa’uud ee xiriirsa Isgoyska siinaay iyo Boondhere kalana barta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wadadaan oo inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay ilaa iyo Boondheere ee aheyd mid aad u bur-bur saned muddo sanado ah ayaa waxa uu Gudd oomiye Cumar Filish horey u balan qaaday in la dhisi doonno iyadoona ugu danbeyn Shalay uu xariga ka jaray, Waxa uuna shacabka labada De gmo kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan bilicda wadada.

     Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Warta Nab adda iyo Boondheere oo munaasabada xarig jar ka ka hadlay ayaa ugu Mahadceliyay Duqa Muq disho ka dhabeynta balanqaadkiisa ahaa dhisma ha wadadaan, iyagoona dhankooda balan-qaad ay in ay ka shaqeyn doonaan Bilicda wadada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip