Dowladda Soomaaliya oo gabi ahaanba Kenya u jartay xiriirkeeda diblomaasiyadeed

0
Tuesday December 15, 2020 - 07:12:29 in Wararka by
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo gabi ahaanba Kenya u jartay xiriirkeeda diblomaasiyadeed

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa gabi ahaanba u jirtay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay al laheyd dalka Kenya.

War xalay saqdii dhexe ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka ku soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbeoo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.

"Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah gudeysaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go'aansantay iney xiriirka diblomaaiyadeed u jarto dowladda Kenya."

"Dowladda Soomaaliya waxay u yeeraneysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya iney dalka dib ugu soo laabtaan, waxayna ku amreysa kuwa Soomaaliya ka jooga dowladda Kenya iney dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo ay bisha ku beegantahay 15-ka Diseembar."

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxay go'aankan u gaartay si ay uga jawaabto xad gudubyada siyaasadeed ee qaawan ee isdaba joog ah ay ku hayso dalkeena, dowladda Soomaaliya waxay xaqijineysa madaxbanaanida iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed si waafaqsan shuruucda dalka iyo xiriirka caalamiga, wax gorgortan ahna dowladda kama galeyso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed."

Soomaaliya ay warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe


Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip