MUSHARAX JABRIIL: "Waxaan rabnaa inaan dowladnimada ku soo celino gacanta shacabka"

0
Sunday December 13, 2020 - 13:09:09 in Wararka by
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSHARAX JABRIIL: "Waxaan rabnaa inaan dowladnimada ku soo celino gacanta shacabka"

    Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay munaasabad ballaaran oo su'aalo lagu weydiinayay musharax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle, kuwaasi oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay munaasabad ballaaran oo su'aalo lagu weydiinayay musharax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle, kuwaasi oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Munaasabadda oo ka dhacday hotel Royal Plaza ayuu uga hadlay musharax Jabriil guud ahaan xaaladda dalka, isagoona sheegay in isagu ay lix jeclo ka heyso qabashada hoggaanka ugu sareeya dalka.

"Waxaan rabnaa inaan dowladnimada ku soo celino gacanta shacabka” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay inuu isagu ka welwelsan yahay qaabka haatan ay ku socoto diyaar garowga howlaha doorashooyin dalka ka dhaca.


Musharax Jabriil ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ee ay dowladdu magacowday uu gef ku yahay dadka iyo dalka, gaar ahaanna sumcadda looga dilay xubnaha loo magacaabay.
Telefishanka Universal oo soo qabanqaabiyay barnaamij loogu magac daray "Kulanka Musharaxa”, ayuu sheegay Jabriil Ibraahim Cabdulle inuu isagu yahay shaqsi aan wax dembi ah ka gelin dalka, isla markaana aqoon iyo waaya aragnimo u leh maamulka dowladnimada.
"Goob joog ayaan ka ahaa howlihii maamul u sameynta gobolka dalka intooda badan” ayuu yiri musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay weji gabax ku tahay in shaqsi horay dalka xilal uga soo qabtay hadana isku taagaan mar kale qabashada isla xilalkii ay horay u hayeen.
Soomaali ku sugan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa musharax Jabriil weydiiyay su’aalo dhowr ah oo ay ka mid tahay haddii uu guuleysto waxa uu ka qabanayo dhinacyada ammaanka, kheyraadka, arrimaha dibadda iyo caafimaadka.
"Dalka Soomaaliya ma jiro deyn laga cafiyay, waayo haddii deyn la cafiyay waxaa dalka soo geli lahaa dhaqaale fara badan, ogaada dhaqaalaha afarta sano ee soo socota waa ka badan yahay kuwii hore, waxaana loo baahan yahay in lagu maareeyo nidaam hufan” ayuu yiri musharax Jabriil.

Waxaa Diyaariyay: Jabriil M. Nuur (Jabra) iyo
Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe)

xigasho:somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip