Mahad Salaad oo weerar xun ku qaaday Dubbe kadib hadalkii maanta kasoo yeeray

0
Wednesday December 02, 2020 - 22:21:03 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad oo weerar xun ku qaaday Dubbe kadib hadalkii maanta kasoo yeeray

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Mahad Salaad oo weerar xun ku qaaday Dubbe kadib hadalkii maanta kasoo yeeray

 

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka fal-celiyey jirkii jaraa’id ee maanta uu Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo sheegay in Nairobi qalqal gelin amni iyo mid qaranimo ay ku heyso Soomaaliya.

Mahad Salaad oo qoraalkiisa cinwaan uga dhigay "Dubbe Farmaajo isgaa waalan” ayaa Wasiir Dubbe waxa uu su’aalay "Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?”

Sidoo kale Mahad ayaa soo qaatay sirka intii aan la dooran madaxweyne Farmaajo isaga iyo musharaxiin kale oo ku sugan magaalada Nairobi. Isagoo qormadiisa aad ugu dhaleeceeyey wasiir Dubbe oo uu sheegay in aysan ka muuqan qaan gaarnimo siyaasadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad

 

DUBBE FARMAAJO ISAGAA WAALAN!

Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe maalin dhawayd waxaan daawaday isagoo ku masalaya "ISLAAN WAALAN” siyaasiin ay isku hayb yihiin, sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Wasiir hore Maareeye, Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo kuwa kale. Maantana shirkiisii jaraa’id wuxuu ku sheegay "In 10 musharax Nairobi ka soo baxaan ee Xamar yimaadaan waa qalad, doorashana maahan ee waa khalkhal gelin amniga dalka”. Wasiir Dubbe waxaan su’aalay: Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?!

Inkastoo Wasiir Dubbe uusan ahayn qaangaar-siyaasadeed marka loo fiirsado nuxurka hadalkiisa iyo marxaladaan kala guurka ah ee dalku marayo, hadana waxaan xasuusinayaa in Farmaajo iyo musharaxiin badan oo sawirkaan idinkaga muuqada 2016-kii ololahooda doorashada ka soo bilaabeen Nairobi. Hotel Jazeera oo qiblo u ahayd mucaaradkii xiligaas Xasan Sheekh ka soo horjeedayna ay degaan u ahayd Fahad iyo Farmaajo iyo musharaxiin kaloo badan. Lacagta Fahad Qadar ka keenayna lagu qaybin jiray. Maalin gelinkeedna aan la dhihin xageed ka timaadeen iyo xagee u socotaan!

Lkn markaan dhuuxay magaca Dubbe aniga ayaa kaligey isqanciyay. Magaca "Dubbe” Soomaalidu waxay u taqaanaa BURRIS, waana bir kuusan oo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu tumayo ama farsamaynayo!

Inta badan magaca ama naynaasta qofka Soomaaliga ah loogu yeero waxay ka tarjumaan habdhaqanka iyo dabeecadda shaqsiyadeed ama shaqo ee qofkaas. Marka shaqada Dubbe Farmaajo u hayo intaas ayaan ku soo koobayaa yaanan sii badinne!

Hon. Mahad Salad

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip