Nin Hooyadiis ku dilay Muqdisho oo isna la dilay

0
Wednesday December 02, 2020 - 23:00:44 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Hooyadiis ku dilay Muqdisho oo isna la dilay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ninka oo lagu Magacaabo Cabsiiye Cadaan ayaa waxaa uu Hooyadiis uu ku dilay Hoygooda oo ku yaalla meel u dhow Isbitaalka Keysaneey ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa Ninka Hooyadiis waxaa uu u adeegsaday tooreey, waxaana sababaha dilka keenay lagu sheegay kadib markii Nin uu Hooyadiis ka dalbaday in ay u iibiso Boos dhaxal ah balse ay ka diiday.

      Mid kamid ah Ehellada Hooyada la dilay ayaa Risaala u sheegay in Wiilka oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya uu soo qaatay tooreey, isla markaana uu Hooyadiis dhowr jeer ku dhuftay sidaasina ay ku geeriyootay.

      Sidoo kale waxaa uu sheegay in Walaalkiis ka yar iyo Wiil kale oo deris la’ah oo hooyada u soo gurmaday uu Tooreey ku dhuftay, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka Keysaneey ee degkada Kaaraan.

             Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan laamaha Ammaanka ay toogteen, ka dib markii ay naftooda kala baqeen, iyaga oo doonayay   inay qabtaan uu tooreey la soo aaday.

       Dhacdada uu Ninkaasi ku dilay Hooyadiis ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa aad looga hadal haayaa Xaafadaha degmada Kaaraan & Guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyada dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay dalka kusoo bateen.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga mid kamid ah Ehellada Hooyada

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip