Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyahiin ciidanka DF

0
Wednesday December 02, 2020 - 20:39:42 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyahiin ciidanka DF

    Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraray xarun ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyahiin deegaanka Sabiid ee gobolka Shabelaha Hoose, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan. Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhawaqa ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraray xarun ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyahiin deegaanka Sabiid ee gobolka Shabelaha Hoose, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan. Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhawaqa rasaasta dagaalka ay maqlayeen dhawr saacadood, dagaalkana uu ahaa mid xoogan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday. Sida ay sheegen ma xaqiijin karaan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray ciidamada ku dagaalamay halkaas, balse Saraakiisha ciidamada Dowladda waxey sheegeen iney iska caabiyeen Al-Shabaab isal markaana ay khasaare gaarsiiyeen. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha kala gaaray, walow website-yada taageera dagaalyahanada Al-Shabaab ee xogahooda gudbiya ay sheegeen in laba askari ay dileen dagaalyahanada. Dhawaan ayey aheyd markii dowladda ay sheegtay in hawlgal laga sameeyay Shabeelaha Hoose lagu soo qabtay rag sar-sare oo ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa kusoo aadaya maalmo kadib sheegashada dowladda, waxaana deegaanka Sabiid uu hoos tagaa dagmada Afgooye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip