Maxamuud Sayid "Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, balse DF ayaa naga xoogtay"

0
Wednesday December 02, 2020 - 20:35:39 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Sayid "Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, balse DF ayaa naga xoogtay"

    Madaxweyne ku xigeenka DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa si adag uga hadlay arrinta gobolka Gedo isagoo dowladda federaalka ku eedeeyay iney ka xoogtay maamul ay dhismahiisa iyo xoreyntiisa dadaal dheer usoo galeen. Maxamuud Sayid Aadan wuxuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa si adag uga hadlay arrinta gobolka Gedo isagoo dowladda federaalka ku eedeeyay iney ka xoogtay maamul ay dhismahiisa iyo xoreyntiisa dadaal dheer usoo galeen. Maxamuud Sayid Aadan wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay taliska hay'adda Nabad sugidda oo arintaan uu dusha ka saaray, wuxuu sidoo kale qiray in maamulkii, odayaashii iyo siyaasiyiintii ay ku dhiseen maamulka Gedo ay joogaan xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland. "Arrinta Gedo ayaa maalmahaan miiska Siiraan, Gedo waa gobol kamid ah Jubbaland, markii la dhisayay maamulkaan waxaa Gobolkaas ka yimid 500-Ergo, marxalado kala duwan ayaana laga soo maray" ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Dhawr sano ayey nagu qaadatay inaan ka xoreyno Al-Shabaab, waxaan gaarnay heer aan kala kaashano dowladii wakhtigaas jirtay, ma ahan wax loo dulqaadan karo" Iyadoo ay taasi jirto ayuu hadana dowladda ku eedeeyay iney ka xoreysay gobolka Gedo markii ay Al-Shabaab ka xoreysteen dadaal iyo juhdi badan kadib wuxuuna yiri: "Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, balse Dowladda dhexe ayaa naga xorreysay, waxa ay ku qabsatay dhalinyaro Xamar ay ka uruurisay" Si kastaba arrinta gobolka Gedo waa dood taagan oo u baahan in la xaliyo si loo guda galo doorashada soo socota, waxaana hadda muuqata in dib u dhac ku yimid jadwalkii kal hore la dajiyay ee ku saabsanaa doorashooyinka guud ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip