Axmed Madoobe: Waa nasiib darro in Jubbaland loo diidan yahay in doorashada xildhibaanadeeda u madax bannaanaato

0
Wednesday December 02, 2020 - 20:31:49 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe: Waa nasiib darro in Jubbaland loo diidan yahay in doorashada xildhibaanadeeda u madax bannaanaato

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay inuu doorashada xildhibaanada golaha shacabka ku wada qabanayo magaalada Kismaayo, kadib markii uu sheegay in gobolka Gedo gacantiisa ka baxay. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay inuu doorashada xildhibaanada golaha shacabka ku wada qabanayo magaalada Kismaayo, kadib markii uu sheegay in gobolka Gedo gacantiisa ka baxay. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya in ay doonayso inay gacanteeda ku mamusho xildhibaanada lagu dooranayo Garbahaareey, taasoo ka hor imaanaysa heshiiska doorashada. War Soomaaliyey, maxaa Jubbaland loogu diidan yahay in ay doorashadeeda u madax bannaanaato, sida lamid ah maamulada kale. Maanta masuuliyiinta gobolka Gedo waxay ku sugan yihiin Kismaayo, waxaa lagasoo ceyriyay gobolkii ay ka talinayeen, sidee marka doorasho xor ah uga dhici kartaa Garbahaareey," ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federalka ay dagaal gooni ah oo aan la garanayn ujeedadiisa kula jirto Jubbaland, isagoo tilmaamay in gobolka Gedo loo gacan galiyay maleshiyaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip