Maleeshiyaadka Boko Haram oo Qiratay Xasuuqii Beeralayda Nayjeeriya.

0
Wednesday December 02, 2020 - 20:01:27 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Boko Haram oo Qiratay Xasuuqii Beeralayda Nayjeeriya.

    Kooxda Boko Haram ayaa qiratay in ay ka dambaysay xasuuqii Sabtidii loo geystay beero qodato reer Nayjeeriya ah. Xasuuqaas ayay kooxdu si arxan darro ah ugu dilaan 76 qof oo ka mid ah beeraleyda deegaanka Midaguri ee xarunta gobolka Borno ee waqoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Boko Haram ayaa qiratay in ay ka dambaysay xasuuqii Sabtidii loo geystay beero qodato reer Nayjeeriya ah. Xasuuqaas ayay kooxdu si arxan darro ah ugu dilaan 76 qof oo ka mid ah beeraleyda deegaanka Midaguri ee xarunta gobolka Borno ee waqooyiga dalkaas. Waxaa weli socda baadigoobka meydadka dadka la xasuuqay qaarkood oo aan wali la helin. Muuqaal ay kooxdu baahisay ayey ku sheegtay in ay iyadu ka dambeysay wixii ka dhacay Midaguri. Maamulka gobolka Borno ayaa warbaahinta u sheegay in ay aaseen Axaddii meydadka 43 qof halka ay Isniintii aaseen 33 kale. Qaramada Midoobay ayaa iyadu sheegtay in tirada dadka halkaa lagu xasuuqay ay tahay 110 qof oo rayid ah. Tan iyo 2009-kii weerarro kala duwan oo ay kooxda Boko Xaraam ka fulisay dalka Nayjeeriya ayaa sababay geerida in ka badan 20,000 oo qof oo u dhalatay dalkaas iyo barakaca malaayiin kale. Kooxda ayaa sidoo kale laga soo billaabo 2015-kii weerarro ku ekeysay dalalka la deriska ah Nayjeeriya sida, Cameroon, Chad iyo Nayjar. Boko Xaraam oo ah koox hubaysan oo nayjeeriyaan ah ayaa dalkaasi ka aasaasantay sanadkii 2002-dii iyada oo ku andacoonayso in ay halgan ugu jirto sidii shareecada islaamka ay ugu dhaqi lahayd dhammaan gobollada dalka oo ay ku jiraan kuwa koofureed ee ay ku badanyihiin dadka heysta diinta kirishtanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip