Xildhibaano weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ( War-saxaafadeed)

0
Wednesday December 02, 2020 - 18:59:08 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ( War-saxaafadeed)

    Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland ayaa waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. War saxaafadeed ay ku saxiixan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland ayaa waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. War saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin illaa 47 Xildhibaan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay ku sheegeen in uusan ku matalin Xildhibannada hadallada uu sheegayo iyo qoralada uu soo saarayo ee uu kaga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in Guddiyada doorashooyinka ee hagaya doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyi Magacaabistooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka.

" Anaga oo ah Xildhibaannada Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ( Somaliland) waxaana kulan ku yeelanay Magaalada Muqdisho si aan wax isaga weeydiino xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, waxaanu cadeyneynaa in uusan Guddoomiye Cabdi Xaashi nagu matalin hadallada uu ku durayo gudiyada doorashooyinka maadaama uusan nala tashan waxna naag weeydiin.

Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka oo Muqdisho lagu gaaray 17/9/2020, isla markaana kulan wadajir ah ay ku ansixiyeen labada Aqal & habraacyadii lagu dhisaayay Guddiyada doorashooyinka oo ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaranka .

Ugu dambeyn Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in siyaasiyiin u jeedooyin siyaasadeed leh ay doorashooyinka gobolada Waqooyi ka dhiganayaan dariiqooyin ay kusii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Qaranka, sidoo kalena ay u arkaan baqii ay soo saareen Midowga Musharixiinta mid fareglin qaawan iyo meelku dhac ku ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi, waxaana ay ugu baaqeen inay ka waantoobaan.

Qoraalkaan kasoo baxay Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saarayay qoraalo isdaba-joog ah oo uu uga soo horjeedo guddiga dooashooyinka ay Xukuumadda u magacaawday doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo uu sheegay in laga soo xulay Xafiiska Taliyaha NISA & Shaqaalaha Dowladda.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip