Shan ruux oo lagu dilay weerar gaari loo adeegsaday oo Jarmalka ka dhacay

0
Wednesday December 02, 2020 - 18:53:58 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan ruux oo lagu dilay weerar gaari loo adeegsaday oo Jarmalka ka dhacay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sida ay xaqiijiyeen booliiska Magaalada Tier oo ku taala galbeedka Jarmalka, shan qof ayaa dhimatey, dhowr iyo toban qofna wey dhaawacmeen kadib markii qof uu gaari jiirsiiyey dad marayey meelaha loogu talo galay in ay dadku maraan ee wadooyinka.

Booliska ayaa weerarkan u xiray nin 51 jir ah, kaasi oo sida la sheegay cabsanaa alcohol badan markii uu weerarka fuliyey.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan fileyn in weerarkan ay ka dhiirigeliyeen arrimo la xiriira diin, siyaasad ama argagisixo.

Ninka falka gaystay oo cabsanaa ayaa iminka waxaa suaalo waydiinaya Ciidamada Booliska.

Booliska waxa ay u sheegeen ehelada dadka dhibaatada soo gaartay in falkaasi uusan la xiriirin arrimo argagixiso.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip