DF Soomaaliya oo sheegtay sababta ay Kenya ugu aragto cadow, Itoobiyana saaxiib

0
Wednesday December 02, 2020 - 18:36:18 in Wararka by
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF Soomaaliya oo sheegtay sababta ay Kenya ugu aragto cadow, Itoobiyana saaxiib

    Wasiirka Warfaafinta SoomaaliyaCismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u faah-faahiyay sababta ay xukuumadda uu ka tirsan yahay u kala dooratay dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya, oo mid ay ugu aragto cadow, midna saaxiib. Wasiirka wuxuu xuku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta SoomaaliyaCismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u faah-faahiyay sababta ay xukuumadda uu ka tirsan yahay u kala dooratay dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya, oo mid ay ugu aragto cadow, midna saaxiib. Wasiirka wuxuu xukuumadda Nairobi ku eedeeyay iney xad-gudub cad sameysay arrimaha gudaha Soomaaliya, wuxuuna si mid mid ah u dul istaagay eedda ay u hayaan dowladda Kenya. Waxyaabaha ugu horreeya ee lagu eedeeyay Kenya waxaa ka mid ah, sida uu wasiirka sheegay, iney safarada ku dhibto shacabka Soomaaliyeed sidoo kalana aysan Kenya dhawrin darisnimada iyo madax bannaanida.

Wasiir Dubbe wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday in Kenya ay marti-galiso dad uu ugu yeeray iney dhib ku yahiin dowladda Soomaaliya, taasina uu ku sheegay iney tahay wax dhinac marsan darisnimada.

 

Dhanka kale mar su’aal laga weydiiyay waxa wanaajiyay xiriirka Itoobiya, islamarkaana xumeeyay kan Kenya, wuxuu wasiirka sheegay in farqiga labada dal u dhaxeeya ay tahay in Itoobiya aysan ku lug laheyn siyaasadda Soomaaliya, halka Kenya ay waddo qaab dadban oo ay kusoo faragalineyso arrimaha jira.

Dhanka ganacsiga ayuu taabtay isagoo sheegay in Kenya ay diiday inay ka faa’iideysato wax soo saarka Soomaaliya, balse kaliya ay dooneyso iney iyadu dhaqaale ka sameyso, waana sababta ay dowladda u qaadatay go’aanka ka dhanka ah xukuumadda Nairobi.

Ugu dambeyntii wasiirka wuxuu Kenya ku eedeeyay iney ka baxeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, wuxuuna muujiyay iney taasi qeyb ka tahay waxyaabaha ugu weyn ee keenay inuu xumaado xiriirka labada dal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip