Shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay GAROOWE iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Wednesday December 02, 2020 - 18:13:33 in Wararka by
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay GAROOWE iyo wararkii ugu dambeeyey

    Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda Air Jabuuti ay shil ku gashay garoonka magaaladaasi, taas oo sidday rakaab fara badan. Shilka ayaa yimid, ka gadaal markii ay diyaaradda dhulka ku dhufsatay qeyba dambe, balse waxaa la sheegay in duuliyaha uu dadaalay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo in waxyeelo ay soo gaartay qeybta dambe ee diyaaraddaas oo laga leeyahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaraddaas ay si nabad ah u dageen. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa garoomada Soomaaliya ku soo badanayey shilalka diyaaradeed, waxaana ugu dambeysay diyaarad siday qaar ka mid ah madaxda HirShabelle oo shalay ciladowday, taas oo markii dalbe si nabad ah uga soo degtay garoonka Muqdisho.

Shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay GAROOWE iyo wararkii ugu dambeeyey

 

    



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip