Booliska Masar oo baaraya gabar iyadoo xiran dharka faraaciinta isku sawirtey Ahraamta

0
Wednesday December 02, 2020 - 17:36:26 in Wararka by
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Masar oo baaraya gabar iyadoo xiran dharka faraaciinta isku sawirtey Ahraamta

    Booliska Masar ayaa xirey sawir qaadihii Salma El Shimi oo ah gabar iyadoo xiran dharka Faraaciinta sawiro isaga qaaday Ahraamta dalka Masar. Booliska ayaa sheegay in ciidamada baaritaan ku sameyn doonaan sawir qaadaha balse waxa ay beeniyeen in la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Masar ayaa xirey sawir qaadihii Salma El Shimi oo ah gabar iyadoo xiran dharka Faraaciinta sawiro isaga qaaday Ahraamta dalka Masar. Booliska ayaa sheegay in ciidamada baaritaan ku sameyn doonaan sawir qaadaha balse waxa ay beeniyeen in la xirey Salma El Shimi. Warbaahinta iyo baraha bulshada gudaha dalka Masar ayaa si weyn looga hadal hayaa gabar sawirro isaga qaaday ahmaarta dalka Masar iyadoo xiran dharkii ay xiran jireen faraaciinta.

         Dadka sida weyn u isticmaala baraha bulshada ayaa hadal haya sawirka haweeneydan oo lagu magacaabo Salma El Shimi, isaga qaaday ahraamta Masar, waxa ayna dadka qaar tilmaameen in haweeneydan mudan tahay in la xiro maadaama ay dhaqanka ku xad gudubtay halka kuwa kalana sheegayaan in aysan qalad sameyn.

           Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta, Dr Mustafa Waziiri ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo haweeney sawirro isaga qaaday ahraamta Masar iyadoo xiran dharkii ay xiran jireen faraaciinta.Waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay mid aan habooneyn.

             Dr Mustafa wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaaradda dalxiiska iyo arrimaha aathaarta ay mar kasta isha ku heyso ilaalinta goobaha qaddiimiga ah iyo taariikhda xadaaradda Masar.


           Wuxuu intaas ku daray in qof kasta oo isku dayo in uu ku xadgudbo aathaarta iyo xadaaradda Masar tallaabo laga qaadi doono.

Dadka isticmaala baraha bulshada Masar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sawirka Salma El Shimi, waxaana ka dhashay dood ku saabsan sawirka ay soo dhigtay baraha bulshada xilli ay ku sugneyd ahraamta Masar.

        Dad qaar waxay soo jeedinayeen in la xiro maadama ay ku xadgudubtay dhaqanka Masar halka qaar kalena ay ku doodayeen in wax dambi aysan gelin gabarta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip