Afhayeenkii Hore Ee Aqalka Sare Itoobiya Oo Is Dhiibtay Iyo Sababta Keentay

0
Tuesday December 01, 2020 - 23:52:01 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenkii Hore Ee Aqalka Sare Itoobiya Oo Is Dhiibtay Iyo Sababta Keentay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidanka dowlada Itoobiya isku dhiibtay Afhayeenkii hore ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee loo yaqaan house of federation.

           Keria Ibrahim ayaa xilka iska casishay 9-kii June ee sanadkan kadib markii ay ka saluugtay dib u dhigii doorashada Itoobiya ee lagu waday in ay dhacdo bishii August sanadkan taas oo loo arko in ay ahayd ubucda qilaafka dowlada dhexe iyo TPLF.

       Ciidanka dowladda Federaalka ee dalkaas iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ka ayaa dhex-maray dagaalo xoogan oo socday saddex todobaad oo xiriir ah, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac darran iyo khasaaro hantiyadeed.

          Sidoo kale Ciidanka Itoobiya ayaa Tigree-ga ka qabsaday Caasimadooda ee Mekelle iyo magaalooyin kale oo ay gacanta ku haayeen, kadib markii uu dhacay dagaal lagu hoobtay.

             Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii sharciga ahaa ee lagu qaaday Tigree-ga, wuxuuna tilmaamay in xubno farabadan laga qabsaday Ismaamulkaas, in kastoo uusan weli wax war ah kasoo bixin Hoggaanka TPLF.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip