Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalkii Bacaadweyne

0
Tuesday December 01, 2020 - 21:03:51 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalkii Bacaadweyne

    Dowladda Soomaliya ayaa bogaadineysay dagaalkii shalay Alshabaab iyo Ciidanka dowladda ku dhexmaray degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri "Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaliya ayaa bogaadineysay dagaalkii shalay Alshabaab iyo Ciidanka dowladda ku dhexmaray degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri "Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo ka tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro horjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jira Askar iyo Shacab". Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas. Dowladda Soomaaliya waxay tilmaamtay in ay caddaalada horkeeni doonto kooxdii ka dambeysay weerarkaas. "Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020" ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay. Warka dowladda ayaa intaas kusii daray "Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka go'an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada"

.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip