Cillad ku timid diyaarad uu saarnaa guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo ku sii jeeday Beledweyne

0
Tuesday December 01, 2020 - 11:28:50 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cillad ku timid diyaarad uu saarnaa guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo ku sii jeeday Beledweyne

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

luqman

Diyaarad uu saarnaa Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdixakiin Luqmaan iyo qaar kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa cillad farsamo soo wajaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradan oo ka duushay magaalada Jowhar ay ku sii jeeday magaalada Beledweyne hase yeeshee cillad xagga matoorka ah awgeed ay si degdeg ah uga dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Dadweyne iyo mas’uuliyiin ku sugeysay wafdigan garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa loo sheegay in dib u dhac uu ku yimid safarka guddoomiyaha baarlamaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in uu diyaarad kale ay ka qaado magaalada Muqdisho isaga iyo wafdiga uu horkacayo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jirey magaalada Beledweyne banaanbaxyo loogaga soo horjeedo maamulka cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip