Maxay Tahay Sababta Qoorqoor Uu Ugu Biiray Shirka Musharxiinta Mucaaradka Ah?

0
Sunday November 29, 2020 - 22:06:39 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Qoorqoor Uu Ugu Biiray Shirka Musharxiinta Mucaaradka Ah?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 
       Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabbdi kaariye Qoor-qoor ayaa Caawa ku biiray Shir Midowga Mushariixiinta uga socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu faqiday arrimo la xariira Siyaasadda dalka.

           Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta Qoorqoor uu ugu biiray shirkaasi, maaddama Qoorqoor inta badan loo xagliyo dhanka Madaxtooyada oo mucaarad ay ku yihiin Murashaxixiinta ku shiraya Magaalada Muqdisho.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu kulan la qaatay Musharxiinta Mucaaraka ah, waxaana Qoorqoor uu ka codsaday Madaxda Mucaaradka in iyaga iyo dowladda Federaalka inuu dhex dhexaadiyo.

     Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Mas’uuliyiintu ay ka aqbaleen Codsiga uu hordhigay ee ah in labada dhinac uu kala dhexgalo, oo uu raadiyo xal siyaasadeed, waxaana waxyaabaha la isku haayo ay dhammaantood ay ku xayn daaban yihiin arrimaha doorashooyinka.

           Qoorqoor ayaa dowladda federaalka waxaa uu al leeyahay Xiriir aad u wanaagsan, waxaana uu horay xal ugu raadiyay Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo ay Xusid mudan in dowladda federaalka ay ka dambeysay in uu Qoor-qoor Madaxweyne ka noqdo Galmudug, maaddama uu ahaa musharaxa ay taageersaneed Villa Soomaaliya.

           Madaxda Mucaaradka ah ee ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa ay u yeesheen shirweyn oo ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka, iyadoo shirkaasi ay kasoo bexeen Qodobbo gaaray 18 qodob, waxana ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka dib loogu laabtio kan hadda jirana kala diro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip