Mahad Salaad: Kenya waxay Farmaajo ka diiday in ay u soo afduubaan Axmed Madoobe

0
Monday November 30, 2020 - 06:57:04 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad: Kenya waxay Farmaajo ka diiday in ay u soo afduubaan Axmed Madoobe

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay tallaabada dalka looga eryay Safiirkii Kenya, Lucas Tumbo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay inta la’ogyahay inaanay Kenya waxba u dhimin Somaliya, aan ka ahayn in ay ka diiday in isagoo jeebeysan lagu soo wareejiyo Madaxweynaha Jubbaland.

"Inta aan ognahay Kenya waxba kama haleyn Somaliya, marka laga reebo in ay ka diiday Farmaajo in ay u soo afduubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, una keenaan isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in ceeb iyo foolxumo tahay, in dalka laga eryo Safiirkii Kenya, isagoo ku sugan dalkiisa, xilli Safiirkii Somaliya u fadhiyayna Kenya uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

"Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo Safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooggo Somaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, Safiirkeenii Kenya inoo fadhiyayna Muqdisho ayuu dhex meereysanayaa.” Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.

Villa Somalia ayaa Kenya ku eedeysay in ay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, isla-markaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Tani ayaa kaga sii dari karta xiriirka labada dowladood, oo muddooyinkii ugu dambeysay xumaa.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip