Madaxweynaha Itoobiya oo booqasho ku tagtay Jabuuti lana kulmeysa Madaxda dalkaas

0
Sunday November 29, 2020 - 20:50:06 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Itoobiya oo booqasho ku tagtay Jabuuti lana kulmeysa Madaxda dalkaas

    Madaxweynaha dowladda Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa booqasho rasmi ah waxaa ay ku tagtay dalka Jabuuti halkaas oo Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay, iyada iyo wafdiga la socda. Madaxweynaha ayaa la filayaa inay la kulanto Madaxweynaha Jabuuti, I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa booqasho rasmi ah waxaa ay ku tagtay dalka Jabuuti halkaas oo Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay, iyada iyo wafdiga la socda. Madaxweynaha ayaa la filayaa inay la kulanto Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona arrimo khuseeya labada dal iyo arrimo ku saabsan gobolka. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la filayaa inay isdhaafsadaan fikradahooda ku aadan xaaladaha ka taagan dalka Itoobiya ee la xiriira dagaalka u dhaxeeya Ciidamada federaalka iyo xoogaga TPLf. Dowladda Jabuuti ayaa horay u taageertay dagaalka Ciidamada federaalka itoobiya kula jiraan xoogag TPLf, sidoo kalena ay ku baaqday in wada-hadal wax walba lagu xaliyo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip