Maxamed Bin Salman 'oo xiriirka Israel la sugaya' Biden

0
Sunday November 29, 2020 - 20:48:31 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Bin Salman 'oo xiriirka Israel la sugaya' Biden

    Dhaxal Sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman ayaa la sugaya inta uu maamulka Joe Biden xilka kala wareego kan Trump, si uu xiriir rasmi ah ula yeesho Israel, waxaa sidaas weriyey Reuters iyo Wall Street Journal. "Caadiyeynta xiriirka waa soo ji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman ayaa la sugaya inta uu maamulka Joe Biden xilka kala wareego kan Trump, si uu xiriir rasmi ah ula yeesho Israel, waxaa sidaas weriyey Reuters iyo Wall Street Journal. "Caadiyeynta xiriirka waa soo jiidasho diiradda Biden looga weecinayo arrimaha kale ee Sacuudiga, gaar ahaan xuquuqda aadanaha," waxaa sidaas yiri diblomaasi la hadlay Reuters. Bin Salman ayaa lagu warramay inuu diyaar u ahaa inuu xiriir la yeesho Israel hase yeeshee qorshahaas uu beddelay kadib markii uu Biden ku guuleystay doorashada Mareykanka, si uusan u lumin fursad uu u adeegsan karo inuu ku dhowaansho uga sameysto maamulka Trump. Mohamed bin Salman ayaa aad ugu dhowaa maamulka Trump, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu xukunka ka tago 20-ka Janaayo. Dhinaca kale, Reuters waxa ay werisay in kulankii uu Axaddii hore Mohamed bin Salman la yeeshay ra'iisul wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu laga qariyey boqorka dalkaas islamarkaana ah aabihiis Salman bin Abdulaziz. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip