RW Rooble oo Ammaanay Kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Dib u Dhiska Dowladnimada

0
Sunday November 29, 2020 - 19:26:12 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble oo Ammaanay Kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Dib u Dhiska Dowladnimada

    Ra'iisul wasaare, Maxamed Xuseen Rooble ayaa aaladda Internet-ka uga qeyb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed. Shirka ayay qurbajoogtu ku soo bandhigeen daraasado iyo baaritaanno ay ka sameeyeen fursadaha horumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare, Maxamed Xuseen Rooble ayaa aaladda Internet-ka uga qeyb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed. Shirka ayay qurbajoogtu ku soo bandhigeen daraasado iyo baaritaanno ay ka sameeyeen fursadaha horumarineed ee ka jira Soomaaliya una baahan in looga faa'iideysto kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed. Ra'iisul wasaare Rooble ayaa shirweynaha la wadaagay horumarka Maalgashi ee dalka laga sameeyay iyo kobaca dhaqaale ee sii xoogeysanaya isaga oo ammaanay kaalinta qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka "Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa ay door weyn ka soo qaateen dib u heshiisiinta, Dowladnimada iyo horumarinta bulshadeenna ku nool gudaha, waxaa xusid mudan tan iyo burburkii dalkeenna in ay jiraan xarumo Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsi ay ka hirgeliyeen dalkooda hooyo qurbajoogta, waxa ayna qeyb ka tahay dadaallada joogtatada ah ay ku bixiyaan soo kabashada dalkeenna" ayuu yiri mudane Rooble. Maalgashiga qurbajoogta ee dalka oo sare loo qaado ayuu sheegay in laga dhaxli karo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur is huwan oo ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed eek u nool gudaha dalka sidoo kalena ay sare u qaadeyso rajada dib u dhiska dowladnimada. Rooble ayaa carrabka ku adkeeyay in ka faa'iideysiga ,horumarinta iyo maalgashiga kheyraadka kala duwan ee dalka sida dalka sida, Dalxiiska, Tamarta, kalluunka iyo beeraha ay dib usoo noolaynayso xirfadaha dadka Soomaaliyeed una u abuuri karto isku filnaasho nololeed. Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa qurbajoogta ku dhiirrigeliyay isku duubni iyo in ay hormuud u noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, masuuliyadna ay iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhisidda mustaqbal wanaagsan oo ay dadka Soomaaliyeed helaan. Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa dhankooda dowladda dowladda ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixineyso xaqiijinta amniga, kor u qaadidda dowladnimada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip