Wararkii ugu dambeeyey kulan ay Midowga Musharaxiinta ku yeesheen Muqdisho

0
Sunday November 29, 2020 - 19:00:53 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey kulan ay Midowga Musharaxiinta ku yeesheen Muqdisho

    Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta mar kale kulan ku yeeshay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa la sheegay in ay uga hadleen waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda dalka, halka qaarkoodna ay ka warbixiyeen ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta mar kale kulan ku yeeshay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa la sheegay in ay uga hadleen waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda dalka, halka qaarkoodna ay ka warbixiyeen kulamo kale oo gaar gaar ah oo ay la yesheen, madaxda qaar ee dalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wararka la helay ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in shirkaan uu horudhac u yahay kulamo xariir ah oo musharrixiintu ay ku dardar gelinayaan dadaallada loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta. Warar kale ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay warbaahinta la hadli doonaan, iyaga oo ka hadli doonan dhacdooyinkii dalka ka dhacay sidoo kalena ay jawaab ka bixinayaan hadalkii Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Midowga Musharaxiinta war saxaafadeed ay ka soo saareen shir muddo 5 cisho socday ay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay kala dirto Guddiyada doorashada, sidoo kale ka dalbaday inuu xilka banneeyo Taliyaha Nabadsugida. Waxaa kaloo Musharaxiinta ka digeen haddii dowladda ku adkeysato inay sameyso doorasho aan loo dhameyn inay sameyn doonaan hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo. Dalka waxaa ka jiro xaalad adag oo dhanka ammaanka ah iyo siyaasadaba ,waxaana maalmo ka hor Qarax ay ku dhinteen dhalinyaro badan oo aqoonyahaano ah, walina kama hadlin Madaxweynaha Soomaaliya dhibaatooyin ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho maalmihii la soo dhaafay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip