Abaar iyo Macaluul Daran oo Ku Habsatay Dalka Madagascar

0
Sunday November 29, 2020 - 19:18:18 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaar iyo Macaluul Daran oo Ku Habsatay Dalka Madagascar

    Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegay in macaluusha ka taagan koofurta Madagaskar ay sare u sii kacayso. Macaluusha ayay hay'addu u aanaysay abaario isdaba-joog ah oo dalkaasi ku dhuftay sanadihii ina dhaafay. Macaluusha ayay ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegay in macaluusha ka taagan koofurta Madagaskar ay sare u sii kacayso. Macaluusha ayay hay'addu u aanaysay abaario isdaba-joog ah oo dalkaasi ku dhuftay sanadihii ina dhaafay. Macaluusha ayay hay'addu sheegtay in ay saamaysay dad tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 1.5 milyan oo qof oo qoysaska qaar ku khasabtay in ay cunaan cayayaanka. WFP ayaa sheegtay in macaluushu ay saamaysay ilaa 10 deegaan oo dalkaasi ka tirsan Qoysaska qaar ayaa sheegay in ay maciin bideen iibinta agabkii guryahooda si ay u helaan wax ay cunaan iyaga oo sheegay in carruurtoodu ay naftu ka gashay cunista "Tiitiinka" ama "Prickly Pear". Haweenka iyo carruurta ayay hay'addu sheegtay in ay yihiin kuwa ugu nugul ee u baahan gargaarka degdegga ah sidoo kale waxa ay sheegtay in dalka Madagaskar uu yahay dalka kaalinta kowaad kaga jira dhanka korriimo xumada taa oo sababtay in badan oo carruurta dalkaasi ay noqdaan kuwo cillan ah. Kala bar carruurta da'doodu ka hooseyso shanta sano ayay sheegtay hay'addu in ay wajahayaan nafaqo darro la fac tirsatay. WFP ayaa sheegtay in tan iyo bishii September ay waddo gurmad ay ku quudinayso 100,000 oo qof sidoo kalena ay kaalmo u fidisay nus milyan qof oo kale kuwaa oo ku nool deegaannada ay abaartu halakeysay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip