Amisom oo Baydhabo geysay 160 Askari oo Boolis ah oo ka socda Gaana

0
Sunday November 29, 2020 - 19:16:55 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom oo Baydhabo geysay 160 Askari oo Boolis ah oo ka socda Gaana

    Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed loo daabulay saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo ka socda dowladda Gaana, kuwaas oo dhowaan ka soo degay magaalada Muqdisho. Saraakiishaan oo tiradooda gaareysa 160 Sarkaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed loo daabulay saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo ka socda dowladda Gaana, kuwaas oo dhowaan ka soo degay magaalada Muqdisho. Saraakiishaan oo tiradooda gaareysa 160 Sarkaal ayaa ku biiraya Ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo kala socda dalalka, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia. "Waan ku faraxsanahay in saraakiishan ay goobta joogaan, dhamaantoodna waxay yihiin kuwa caafimaad qaba. Waxay soo mareen karantiil khasab ah oo labo toddobaad ah 'COVID-19' waxayna sameeyeen indho-indheyn. Waxay diyaar u yihiin xoogna u leeyihiin inay gutaan waajibaadkooda" ayuu yiri Kormeeraha guud ee Booliska AMISOM ahna Isuduwaha Booliska AMISOM ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Patrick Yerima. Taliyaha Booliska Gobolka Baay dhamme Amiin Maxamed Cismaan ayaa dhankiisa sheegay inay wada-shaqeyn dhex-mari doonto Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayna wada guuleysan doonaan. "Booliska Koonfur Galbeed iyo Booliska AMISOM waxay leeyihiin xiriir wanaagsan oo soo jireen ah. Laga soo bilaabo tababbarka illaa hawlgallada wadajirka ah, waxaan ku qabannaa wax walba iskaashi. Waxaan soo dhaweyneynaa saraakiishan booliska ah, waxaana rajeyneynaa inaan howlgalo wada jir ah aan kula sameyno halkan Baydhabo iyo magaalooyin kale" ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip