Boko Haram oo Dad Beero Qodato ah Ku Leeysay Nayjeeriya

0
Sunday November 29, 2020 - 19:15:39 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boko Haram oo Dad Beero Qodato ah Ku Leeysay Nayjeeriya

    Kooxda Boko Xaraam ayaa weerar ay ku qaadday gobolka Borono ee waqooyiga dalkaas ku dishay 44 qof oo dhammaantood ahaa dad beero qodato ah. Guddoomiyaha beeralayda gobolka Borno, Hassan Zabarmari ayaa sheegay in rag hubaysan oo ka tirsan Kooxda Bo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Boko Xaraam ayaa weerar ay ku qaadday gobolka Borono ee waqooyiga dalkaas ku dishay 44 qof oo dhammaantood ahaa dad beero qodato ah. Guddoomiyaha beeralayda gobolka Borno, Hassan Zabarmari ayaa sheegay in rag hubaysan oo ka tirsan Kooxda Boko Xaraam ay beegsadeen beeraleey ka shaqeynaysay beero bariis ah oo ku yaalla tuulada Garin Kwashebe. Zabarmari ayaa warfidiyeenka u sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 44 qof oo ka mid ahaa beeralayda tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen. Ahmed Satomi, oo ka tirsan golaha deegaanka Garin Kwashebe ayaa isna sheegay in ciidamada ammaanku ay goobta uu weerarka ka dhacay soo gaareen xilli dambe. Tan iyo 2009-kii weerarro kala duwan oo ay kooxda Boko Xaraam ka fulisay dalka Nayjeeriya ayaa sababay geerida in ka badan 20,000 oo qof oo u dhalatay dalkaas iyo barakaca malaayiin kale. Kooxda ayaa sidoo kale laga soo billaabo 2015-kii weerarro ku ekeysay dalalka la deriska ah Nayjeeriya sida, Cameroon, Chad iyo Nayjar. Boko Xaraam oo ah koox hubaysan oo nayjeeriyaan ah ayaa dalkaasi ka aasaasantay sanadkii 2002-dii iyada oo ku andacoonayso in ay halgan ugu jirto sidii shareecada islaamka ay ugu dhaqi lahayd dhammaan gobollada dalka oo ay ku jiraan kuwa koofureed ee ay ku badanyihiin dadka heysta diinta kirishtanka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip