Maxa ka jira in Mustaf Dhuxulow lagu xiray Hargeysa?

0
Sunday November 29, 2020 - 19:13:40 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa ka jira in Mustaf Dhuxulow lagu xiray Hargeysa?

    Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in lagu xiray Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Khaalid Foodhadhi oo kamid ah wariy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in lagu xiray Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Khaalid Foodhadhi oo kamid ah wariyeyaasha ugu caansan Somaliland, ayaa sheegay in Mustaf Dhuxulow lagu xiray madaarka magaalad Hargeysa ee Cigaal. Dhuxulow ayaa lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay saldhig ku yaala garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, kaasi loo taxaabay kadib markii ciidamada booliska ay ka qabteen madaarka, xili uu kasoo dagay diyaarad soo cago dhigatay garoonka. Safarka Hargeysa ee Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa aheyn mid hore loo sii shaaciyey, lamana oga ila hadda inuu yahay mid uu u qasdiyay iyo ujeedka ka dambeeya safarkaasi. Inkasta oo ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn sababta xariga Dhuxulow ayaa haddana waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in uu Transit ku ahaa garoonka Hargeysa, isla markaana uu kasoo degtay diyaaradii uu saarna mudadii ay ku sugneyd madaarka. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amiga iyo maamulka Madaarka oo ku aadan xariga Dhuxulow, oo saacadii u dambeysay si weyn looga hadal hayay baraha bulshada. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip