Shirka wasiirrada dibadda ururka Iskaashiga Islaamka oo la soo gabagabeeyay.

0
Sunday November 29, 2020 - 19:12:30 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka wasiirrada dibadda ururka Iskaashiga Islaamka oo la soo gabagabeeyay.

    Shirka Iskaashiga Islaamka oo socday muddo labo maalmood ah, 27 iyo 28 bishan Nofembar, halku dhiggiisuna ahaa (Midowga la dagaallanka argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go'an tahay dowladaha xubnaha ka ah ururkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Iskaashiga Islaamka oo socday muddo labo maalmood ah, 27 iyo 28 bishan Nofembar, halku dhiggiisuna ahaa (Midowga la dagaallanka argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go'an tahay dowladaha xubnaha ka ah ururkani la dagaallankooda argagixisada iyo xag-jirnimada fog si loo gaaro himilooyin horumarineed Ayaa lagu soo gabogabeeyay Dalka Niger. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya Mudane, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalayay shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo Jimcihii ka furmay dalka Niger. Wasiiru dowlaha oo Hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyo waliba dadaallada ay ku dooneyso in waddamada xubnaha ka ah ay ku gaaraan horumar. Wasiiru dowluhu waxa uu ka qeybgalayaasha shirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay guulaha ballaaran ee ay dowladdu ka gaartay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha xuquuqda aadanaha. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulamo doceedyo la xiriiray, xiriirka labo geesoodka iyo wax wada qeybsiga la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan, Mudane Shah Mahmood Qureshi, Wasiiradda ugu xil-saaran Arrimaha Jaaliyadaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Morooko, Marwo Nezha El Ouafi, Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr. Yousef Al-Othaimeen, iyo Madaxda wufuudda dowlado aanu walaalo iyo saaxiibo nahay oo ay ku jirtay Dowladda Qatar. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip